FIFA oo Istaadiyo Muqdisho siisay shahaado u fasaxaysa in lagu qabto kulamo caalami ah + Sawirro

0

(Muqdisho) 15 Okt 2020 – Garoonka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta ee Istaadiyo Muqdisho ayaa helay shahaado caalami ah oo uu siiyey Xiriirka Caalamiga ah ee FIFA.

Shahaadada ay FIFA bixisay oo ku muddaysan muddo sanad ah oo ka bilaabanaysa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Oktoobar ayay ku caddahay inuu garoonku buuxiyey hab-raaca tayo ee looga baahan yahay garoomada lagu qabanayo tartamada caalamiga ah ee ay FIFA ogoshahay.

Shahaadadan oo laga soo saaray xarunta FIFA ee ku taalla Zurich, Switzerland ayaa sida muuqata waxaa markale dib loo eegi doonaa sanad kaddib marka la gaaro 14-ka Oktoobar sanadka soo aaddan.

Garoonkan oo ku dhex yaalla Tuulada Ciyaaraha Stadium Mogadishu ayaa 1970-meeyadii waxaa dhisay dalka Shiinaha oo Somalia uga dhigay abaal gud maadaama ay ku taageertay inuu Shiinuhu qaato kursiga QM oo ay horay ugu fadhin jirtey Taiwan.

Hadalsame Media