”In nimanka Maryama diley xayawaan lagu tilmaamo waxay gef ku tahay xayawaanka!” – Dood kulul oo ka taagan Masar kaddib dhacdo xanuun badan

0

(Qaahira) 15 Okt 2020 – Waxaa kacsan dareenka shacabka Masar kaddib markii xaafad ka tirsan magaalada Qaahira oo Macaadi la yiraahdo lagu diley gabar dhallinyaro ah, taasoo soo celisey doodaha jinsiga la xiriira ee dalkaa ka oogan.

Gabadhan oo la yiraahdo Mariam Mohamed, ayaa shaqada ka timid markii Arbacadii shalaytoole ay jidka u istaageen 3 nin oo gaari watey, balse markii ay warkooda dhegaha ka furaysatay gaarigii ayay ka daba kexeeyeen.

Mariam oo 24-jir ahayd ayay deeto bilaabeen inay gaariga ku cayriyaan ilaa dhowr mitir iyagoo markii dambe gaarigii jiirsiiyey, sida ay sheegayaan hay’adaha amaanku, iyadoo dhiigga gabadha laga helay gaarigii ay nimanku ku dhufteen.

Waxaa haatan soconaya baaritaan guud iyadoo arrintan loo qabtay ilaa 2 la tuhunsane, kuwaasoo qirtay inay sidoo kale xubin ka yihiin gaangiistarro u abaabulan inay wax xadaan, sida lagu faafiyey warfaafinta maxalliga ah.

Yeelkeede, shilkan ayaa kiciyey carada shacabka oo bilaabay haashtaagyo ay ka mid yihiin #العدالة_لمريم (#Cadaaladda Maryan), #حق_مريم_فين  (Away xaqii Maryan) and #فتاة_المعادي (Gabar reer Macaadi ah) iyagoo dalbaday in dembiilayasha lasoo helo lagana bilo waxa ay bi’iyeen.

Hadalsame Media