Sanbaloolshe wuxuu u gefey qayb bulshada ka tirsan waxaana ku waajib ah raalli gelin

0

(Nairobi) 13 Okt 2020 – Siyaasiga Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay dalka sida Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa wareysi siiyey Telefishinka Universal oo uu kaga hadlay xaaladda HirShabelle iyo doorashooyinka wuxuu ugu gefey dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Sanbaloolshe ayuu ujeedkiisu ahaa inuu sawiro in MW HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare, uu yahay nin ”rakaato” lagu haysto, isagoo farta ku godey Madaxweyne Xigeenka maamulkaasi, Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo Fahad Yaasiin, sida ay isaga la tahay, waana markaas goorta uu ku talax tegey dadka qaba baahiyaha gaarka ah qaba.

“Waare waa nin sida aad la socoto jiis ah lugtaa uu jiiska ka yahay ma ahane tan kale waxaa uga dheggan Cali Guudlwaawe, nin la yiraahdo Sheekh Cismaan iyo fahad yaasiin,” ayuu ku dooday Md. Sanbaloolshe.

Md. Sanbaloolshe, ayay waajib ku tahay in uu warkan ka bixiyo raalli gelin toos ah (formal), maadaama uu gef ku yahay dadka qaar, islamarkaana uu u egyahay jees jees iyaga ka dhan ah, sidoo kale warbaahinta ayaa looga fadhiyaa in aan laga sii dayn kelmad kasta oo taabanaysa niyadda qayb ama guud ahaan bulshada.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaan inta looga hadlin qorshe siyaasadeed balse inta badan waxaa lagu falanqeeyaa qof markaa la diiddan yahay weliba inta badan arrimo shakhsi ah, taasoo ah arrinta ugu wayn ee meesha ka saaraysa in dal iyo dad wax loo qabto.

Hadalsame Media