Su’aalo badan oo ka dhashay waraysi uu bixiyey siyaasiga Cali Mahdi

0

(Hadalsame) 11 Okt 2020 – MW hore ee Somalia, Md Cali Mahdi Maxamed, ayaa waraysi dheer oo uu siiyey hilinka Somali Cable, wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo uu dadka ishkaal uga jiro, kuwaasoo uu qaarkood ishkaal hor leh sii geliyey.

Waxaa uu waraysiga ku muujinayey inuu iska celinayo lacago hanti umadeed ah oo qaddar ahaan aad u yar, balse wuxuu isla waraysiga ku sheegayey inuu qaatay mid kale oo taa ka badan, balse iyaduna hanti umadeed ah isla markaana aanu sheegin sifo sharci ah oo uu ku mutaystay.

Waxaa arrintaa ka timid dood cusub.

”Cali Mahdi wax uu yidhi Cabdillaahi Yuusuf baa i siiyay boqol kun oo Dollar. Wax uu kale oo i siiyay laba milyan oo ninkii loo soo dhiibay i ga dhacay. Haddana wax uu yidhi 20 kun oo Shilin oo aan dawladda ka xaday 1968 ayaan dhowaan iska celiyay,” ayuu qoraal naqdin iyo dood kicin ah ku bilaabay Ibraahim Hawd.

”Su’aashu wax ay tahay haddaba, haddii uu xoolihii umadda iska celiyay 50 sano ka dib, muxuu haddana lacagtan kale ee umadda la ga xaday u qaatay isaga oo oday ah?,” ayuu is waydiiyey.

”Sababta oo ah fahanka khaldan ee soomaalidu dawladda ka haysato ayaa ah madaxweynuhu xoolaha umadda cidda uu doono ayuu siin karaa.” ayuu Hawd hadal-dooddiisa ku dhameeyey.

Hadalsame Media