”Adinkaa ku dhib qaba!” – Sucuudiga oo ku gooddiyey inuu joojinayo badeecada Turkiga & jawaab la siiyey

0

(Riyaad) 11 Okt 2020 – Amiir Sucuudiga, Abdulrahman Bin Musa’ad, ayaa ku baaqay in la qaaddaco badeecooyinka uu dalkiisu kasoo degsado dhanka Turkiga isagoo ka dabaaqaya warkii MW Erdogan uu ku sheegay in ciidankiisa Qadar joogaa ay xasilinayaan Khaliijka.

Sida lagu qorayThe New Khalij, amiirka ayaa soo retweet gareerey war uu sheegay Erdogan isagoo ku dul qoray: “Sidan darteed, waxaan ku baaqayaa in si buuxda loo qaadaco badeecooyinka Turkiga.”

Sidoo kale Madaxa Rugta Ganacsi ee Sucuudiga, Ajlan Al-Ajlan ayaa soo tweet gareeyey: “Halla qaadaco wax kasta oo Turkish ah – min waxa ka yimaada, waxa loo dhoofiyo, maalgashiga iyo xitaa dalkiiska lagu tago. Waa mas’uuliyadda qof kasta oo Sucuudiyaan ah.” ayuu yiri isagoo sabab ka dhigay in ay Turkigu “cadaawad u muujinayaan Sucuudiga madaxdooda iyo shacabkooda.”.

Weriyaha Turkishka ee ahKateb Oglu ayaa ka jawaabey tweet-yada Sucuudiga isagoo yiri: “Sucuudiga ayaa middan ku dhib qaba, waayo xiriirka ganacsi ee Sucuudiga iyo Turkigu awalba mid xooggan ma ahayn. Turkigu wuxuu dunida u dhoofiyaa badeeco ku kacaysa $176 bilyan oo doollar, Sucuudigu 6 bilyan oo qura ayuu ka yahay.”

Wuxuu kaloo sheegay in uu khasaare kale kala kulmi doono in aanu haysanin biddaal kale oo uu Turkiga uga maarmo, marka ay timaado tayada waxa laga iibiyo iyo sicirka hooseeya.

Todobaadkii tegey, Bloomberg ayaa qoray in khilaafka u dhexeeya Riyaad iyo Ankara uu keenay in Sucuudiga loo diido maraakiibta Turkiga ee alaabooyinka sida.

Siyaasadda dalalka Khaliijka ayaan inta badan ahayn siyaasad ku dhisan ogaal, xeerin, faham iyo aqoon ku aaddan waxa caalamka ka socda, balse waxay kaliya isla rogrogtaa hadba dareenka nimanka meelahaa kala xukuma ee qoysaska ah, taasoo dhib wayn ku haysa Carabta iyo dunida Muslimka.

Hadalsame Media