”Gallayr cunto ayuu ku sumoobey” – Dhakhtarkii daweeyey oo sheegay war khilaafsan midkii hore (Daawo)

0

(Jigjiga) 09 Okt 2020 – Waxaa tuhunkii shalay ee ahaa in ay dad badan oo Somalia madax kasoo noqday ay qaab faj’o ah tiro ka dhowr jeer ugu dhinteen magaalada Jigjiga haatan kusii darsamay tuhun kale.

Waxaa shir jaraa’id oo aan warba haynin qabtay maamulka meesha ka jirta oo wax ay rakada hadalka iskugu sheeg sheegeen isku dayey inay dhiillada dadwaynaha ku aamusiyaan.

”Adigu inuu xanuunsanayey oo uu si dabiici ah u dhintay carrabka ku adkee uun” ayuu mid gees uga sheegayaa ninkii la doonayey inuu xogta soo helo kahor inta aanu gole imanin oo uu xitaa laftiisa shaki uga jiro goorta iyo sababta uu Gallayr u go’ay isla markaana geesaha eeg eegaya. Halkan ka DAAWO…

Sidoo kale, Dr Cabdulqaadir Ibraahim Aadan oo ahaa midkii la socdey xanuunka marxuumka ayaa isna khilaafay warkii hore ee uu maamulku ku sheegay in uu u dhintay Covid-19, wuxuuna sheegay in uu shuban ku dhacay oo uu caloosha ka sheeganayey.

Dr Aadan ayaa sidoo kale sheegay in uu cunto ku sumoobey, balse markii su’aasha lagu celiyey wuxuu ku adkaystay inaan la sumaynin ha yeeshee ay suntu ka timid bakteeriya kasoo raacday cunto aan faya-dhowrkeedu wanaagsanayn.

”Gallayr laftiisa ayaa ii sheegay inuu dhibku uga yimid cunto uu cunay.” ayuu yiri.

Hadalsame Media