DOKUMENTI SIR AH: Imaaraadka oo 16 sanadood kahor Yaman ku qalqaaliyey inay xiriir la yeelato Israel (Yaa gadaal ka taagan?)

0

(Hadalsame) 12 Okt 2020 – Laba dokumenti oo sir ah ayaa muujinaya in Imaaraadka Carabtu uu door ka qaatay sidii uu Yaman ugu qalqaalin lahaa inay xiriir la yeelato Israel muddo haatan 16 sanadood laga joogo.

Dokumentiga 1-aad oo ku beegan Maarso 3, 2004, waa warqad ka timid Danjiraha Imaaraadka ee Yaman, waxaana xilligaa joogey Wasiir Xigeenka Dibedda, Hamad Saeed Al-Zaabi, waxayna warqaddu ka warramaysaa tafaasiil ku saabsan kulan ay UAE ogayd oo dhexmaray Wakaaladda Hiddaha Israel iyo madaxda Yaman oo uu ku jiro MW Ali Abdullah Saleh, sida uu haatan kashifay warqaadka Al-Akhbar.

Waxaa wefdiga Wakaaladda Hiddaha Yuhuudda ka mid ahaa, Yahya Marji iyo Ibrahim Yahya Yacoub, oo ah muwaadin Maraykan ah, taasoo qayb ka ah dedaal ay Sahyuuniyaddu ku bixinaysey in la caadiyeeyo xiriirka Yaman iyo Dowladda Yuhuudda.

Waxay wefdigu madaxda Yaman u wadeceen qorshe ku saabsan in la dhiso Madxaf ay Yuhuuddu leedahay, in la derbi lagu meegaaro qabriga Al-Shabazi (oo ka mid ahaa wadaadada Yuhuudda ee magaalada Taciz) iyo qubuuraha kale ee Cadan, Radaca iyo gobollada kale ee ay Yuhuuddu ku nooshahay.

Waxaa sidoo kale dalabkooda ka mid ahaa in dhalasho la siiyo 45,000 oo ah Yuhuudda Israel iyo 15,000 oo ah Yuhuudda Maraykanka iyo in macbad iyo iskuul Yuhuudeed laga dhidbo magaalada Raydah.

Waxay xilligaa la kulmeen Wasiir Xigeenkii Gudaha Jeneraal Mutahar Al-Masri, oo si diirran usoo dhoweeyey, una sheegay inuu Israel ku tegey safar qarsoodi ah, waxay sidoo kale is arkeen Jeneraal Ali Mohsin Al-Ahmar, oo uu Marji si gaar ah uga codsaday in dhalashada Yaman loo siiyo xaaskiisa iyo carruurtiisa Israel ku nool.

Imaaraadka oo haatan caddaystay xiriir uu muddo dheer la lahaa Israel, ayaa la sheegay inuu abaabuley iskuna duwey qorshahan oo aan si kastaba markaa mira dhalin.

Dalkii ugu dambeeyey oo la sheego inuu Imaaraadku arrintan ku qalqaaliyey waa Baxrayn, halka uu isku dayey Suudaan iyo dalal kale, taasoo la sheegay inay qayb ka tahay qorshe uu dejiyey Maraykanku.

Hadalsame Media