AANO ITOOBIYAAN?! Hal arrin oo ay ka siman yihiin dad caan ah oo si fajo ah ugu wada dhintay Jigjiga!

0

(Hadalsame) 08 Okt 2020 – Dadka caanka ah ee Soomaaliyeed ee ku geeriyooday jigjiga & Addis ababa iyo dhacdooyinka kala dhaxeeyey Itoobiya.

1 – AUN Weriye Qaran Ahmed Hassan Cawke oo ku dhintay Jigjiga 17 Nofembar 2015 (Wariyihii Tabinayay dagaaladii 1977-dii oo Itoobiya mar isku deyday in ay Afduubato)

2 – Abwaan Qaran Mohamud Abdulahi Sangub oo ku dhintay Addis ababa 18 Juunyo 2019 (Mudo dheer taageersanaa Halganka Xornimo u dirirka Soomaali Galbeed oo qeybaha Suugaanta aad uga hadli jiray)

3 – Fanaan Qaran Daa’uud Ali Masxaf oo ku dhintay Jigjiga, January 24, 2020 (Fanaan Wacyigalinta bulshada 1977dii qeyb weyn ka ahaa)

4 – Raisulwasaare Qaran Ali Khalif Galeyr oo ku dhintay Jigjiga maanta 08 October 2020 (Si adag loo xasuusto dagaalkii diblumaasiyadeed ee dhexmaray Isaga & Itoobiya, markii lasoo dhisay Xukuumaddii Carta 2000).

5 – Cabdixakiin Cabdullaahi Jibriil (Abwaan Qii) Murtiile afmaal ah sinnaanta bulshada iyo Soomaalinimaduna ku weynayd.

Cali: Khaliif Galaydh Khabiir siyaasadeed dunwanaagsan, xog ogaal ah, dalkan Soomaaliya xilligii ugu adkaa ee maraayayna dhismahiisa qaybtii ugu weynayd ee shirka Carta ku lahaa.

6 – Sidoo kale August 25, 2014-kii; waxaa gaadhi lagu dhuftay Kornayl Yusuf M. Sugaal (Yusuf Dheere) maalmo uun isaga oo Ingiriiska ka yimid Yuusuf waxuu ahaa, Hoggaankii Jabhaddii WSLF ahaana Geylame mayal-adag dhiirran oo xabashida dagaal xabad ah la galay.

Waxaa Diyaariyey: Faarax Cabdulqaadir & Cabdishukri Haybe

Hadalsame Media

Inkasta oo geeridu timi, haddana marnaba ma dhicin in baaris la mariyo Kiisaska dhimashada sababay, qaarkood deg deg ayaa lagu aasay.