DF Somalia oo samaysay arrin weji gabax ku riddey dhiggeeda Kenya

0

(Muqdisho) 08 Okt 2020 – Kooxda al-Shabaab ayaa sii daysey 2 dhakhtar oo Cuban ah oo sanad iyo bar kahor laga qafaashay magaalada Mandheera.

Sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka Somalia oo aan magaciisa sheegin ayaa Associated Press u sheegay in dhakhaatiirka la sii daayey kaddib bilow wada xaajood ah oo lagula jirey kuwa haystey.

Ilo kale ayaa AP u sheegay in Sirdoonka Somalia ay arrintaa ka codsatay Dowladda Cuba, oo bilowday in ay la xaajooto kooxda haysatey kaddib markii la tusay muuqaal muujinaya xaalkooda bilo yar kahor.

Juan Antonio Fernández Palacios, oo ka tirsan Wasaarad Dibadeedka Cuba ayaa u mahad celiyey Wasiir Dibadeedka Somalia, Md Cawad, oo uu ku amaanay doorka uu dalkiisu ka qaatay sii daynta Dr Assel Herrera Correa iyo Dr Landy Rodríguez Hernández.

Kenya ayaa u muuqata mid arrintan ku ceeboowdey maadaama ay marka hore sugi waydey amaanka dhakhaatiir iyada loosoo diray, marka 2-aadna ay gacan ka gaysan waydey sii dayntooda iyo marka 3-aad oo ah in aan marna Cuba soo hadal qaadin Kenya markii lasii daynayey iyadoo uu Citizen qoray inaysanba wax wacaal ah arrinta dhanba ka haynin.

Nimankan ayaa Mandheera County laga qafaashay Abriil 2019-kii, kaddib markii la diley mid ka mid ahaa ilaaladooda, waana dhakhtar lafood iyo mid guud oo halkaa la geeyey 2018-kii.

Hadalsame Media