MW Kenya oo wax laga waydiiyey goorta ay ciidamadiisu ka baxayaan Somalia & duqaymo uu Maraykanku ka gaysto gudaha dalkiisa

0

(Nairobi) 03 Okt 2020 – MW Kenya, Ahuru Kenyatta, oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey hilinka France 24, ayaa soo hadal qaaday arrimo badan min doorashada soo socota, jugta dhaqaale ee Covid-19 iyo kaalmadii la xaday.

Wuxuu kale oo uu soo hadal qaaday kooxda Al Shabaab iyo qorshe ay Maraykanku ku doonayaan inay duqaymo uga gaystaan gudaha Kenya.

Kenyatta ayaa sheegay in halista amaan ee ay argagixisadu dalkiisa ku hayso ay yaraaay, balse aanayn meesha ka wada bixin, isagoo diidey inuu ka hadlo inuu ciidamadiisa kala baxayo Somalia.

Wuxuu inkiray wararka sheegaya inuu Maraykanka ka helay codsi ku saabsan in fasax loo siiyo inay weerarro daroon ah ka fuliyaan gudaha dalkiisa.

”Taasi ma jirto, balse haddii codsi noocaas ah la iila yimaado waan diidayaa.” ayuu hoosta ka xarriiqay.

Hadalsame Media