”Waa laba-wejiile!” – MW Faransiiska oo caro wajahaya kaddib markii uu sheegay inay ”xasarad ku jirto diinta Islaamku” (Daawo)

0

(Paris) 03 Okt 2020 – MW Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku dooday inuu cilmaaniyadda dalkiisa ka difaacayo weerar uga imanaya wax uu ku sheegay “xag-jirnimada Islaamka”, isagoo weliba sii gudbey oo la bareeray inuu yiraahdo “diinta Islaamku waxay ku jirtaa xasarad” dunida oo idil, taasoo caro ka keentay gaynfayaal badan oo Muslim ah.

Waxay ku eedeeyeen munaafaqad, maadaana aanu marna soo hadal qaadin xag-jirnimada sinjiga ku dhisan ee kooxaha caddaanka ee ka jira Galbeedka.

Ninkan oo jeediyey khudbad aad loo sugayey Jimcihii, ayaa ku adkaystay in aan haba yaraatee “wax tanaasul ah” loo samaynin diintaas marka ay timaaddo dhanka waxbarashada iyo arrimaha bulshada Faransiiska.

“Islaamku waa diin xasarad ku jirta maanta caalamka oo idil, kaliya dalkeenna taa ku arki mayno,” ayuu yiri waloow uu dalkiisu yahay midka leh Muslimiinta ugu badan Yurub.

Wuxuu Macron ku dhawaaqay inuu bisha Diseembar soo bandhigayo hindise sharciyeed cusub oo lagu xoojinayo xeerka 1905 oo kala saaraya diinta iyo dowladda.

Macron ayaa bilihii dambe kusoo biiray siyaasiyiinta Galbeedka ee kursiga iyo taageerada ku raadiya nacaybka Muslimiinta, isagoo haatan 2 farood dheeraaday xitaa Trump.

Wuxuu dorraad mar sheegay in aanu ogolaan karin inay Azerbaijan dib u qabsato gobolka laga haysto ee Nagorno-Karabakh.

Hadalsame Media