Ma xil baa la gudanayaa mise wax baa lakala gadanayaa?! (Akhri sida aysan macquul u ahayn inuu Xildhibaan cid shacab ah wax u qabto oo KALKULLEETAR loo qaatay)

0

(Hadalsame) 03 Okt 2020 – Xildhibaanada iyaga wax bay soo gadanayaan iyagana kuwa Madaxwayne u ordaya ayaa sii gadanaya.

Xildhibaan walba waxa uu 4 sanno mushaar u helay. $144,000 (boqol afartan iyo afar Kun oo doolar).

Hada waxa laga qaadayaa 10 kun oo doolar oo diiwaangalin ah. Haddii uu rabo inuu soo laabto waa in uu iibsadaa 101 cod, celcelis ahaan waxaa uu ku soo bixi karaa 51 cod. Ugu yaraan haddii uu 61 ka mid ah 101 ergo iibsado waxaa calaa qof uu ka rabaa ugu yaraan 3 Kun dollar ugu yaraan. Guud ahaan waa. 244,000 (Labo boqol afartan iyo afar kun)

Diiwaangalinta marka lagu darro waxay noqoneysaa 254, 000 (labo boqol kontan iyo afar Kun doolar).

Xildhibaan ku sheega qabyaaladdeysan sida seyladii Xoolaha sidaas jidka rafaadka ah u soo maray hadaad adoo shacab ah wax qabad bilaash ah ka sugeyso, adaa cirka roob ku og.

Intaas waxaa dheer adoo dhalinyaro ah oo wax bartey damacna ka leh hoggaanka dalka meeshaas fursad kaagama banaana inta kuwa nuucaas ah ah iyo odeyaal afar jeeblayaal ah ku hor joogaan.

Lacagahaas kuma darin kuwa qadada iyo safaradda loogu sameynayo eryagada.

Shacabka Soomaaliyeed ee inay codeeyaan loo diiday cuqubadooda waa soo baxee.Waxaa Qoray: Maxamed OdawaaHadalsame Media