Haweenay dhimatay 24 sanadood kahor oo saadaalisay inuu ”Trump ku dhacayo cudur halis ah oo maskaxdiisa wax u dhimi doona” (Waxyaabaha kale ee ay saadaalisay)

0

(Hadalsame) 03 Okt 2020 – Vangeliya Pandeva Gushterova oo ku magac dheerayd ”Baba Vanga,” waxay ahayd faaliso u dhalatay Bulgaariya taasoo saadaasheedu sida ay u runta u tahay ay dunidu ka yaabtay.

Waxyaabihii intaysan dhiman ka hor ay saadaalisay waxaa ka mid ahaa sannadka 2020 inuu madaxweynaha 45aad ee Maraykanka uu haleeli doono cudur halis ah.

Trump oo haatan ah madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka wuxuu twitter-kiisa ku sheegay in laga helay Covid19, xanuunkan oo loo qaadan karo midkii ay haweenaydaasi saadaalisay.

Faalisadan waxay sheegtay inuu madaxweynaha 45-aad ee Maraykanku (Trump) u dhiman karo xanuunkaas ama uu maskaxdiisa gaarsiin karo dhaawac weyn.

Haweenaydan oo geeriyootay 1996 waxyaabihii ay geerideeda ka hor saadaalisay ee rumoobay waxaa ka mid ah, Weerarradii 9/11 oo ay sheegtay in labo diyaaradood lagu fulin doono, madaxweynaha 44-aad ee Maraykanku inuu noqon doono mid diirkiisu madow yahay taasoo ka dhigan inuu Obama madaxweyne noqonayo, Brixet, kacdoonadii Carabta & xanuun safmar ah inuu dunida ka dillaaci doono kaasoo loo fasiray Covid-19.

Saadaasha haweenaydan ee aan wali dhicin waxaa ka mid ah, hoggaamiyaha Ruushka inuu dili doono mid ka mid ah ilaaladiisu & Islaamku inuu dunida hoggaamin doono.

FG: Wixii dhaci doona Alle unbaa og, marka laga reebo waxa uu addoomadiisa ogaysiiyey.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Cadceed

Hadalsame Media