”Waad nagu gefteen!” – Ciraaq & Iiraan oo ay ka tafatay & meesha la iska qardoofay

0

(Baqdaad) 01 Sebt 2020 – Saraakiisha Ciraaq ayaa cambaareeyey eed uu wadaadka ugu wayn Shiicada dalkaa u jeediyey nin sare oo kaaliye u ah Hoggaanka Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei.

Maqaal lagu daabacay warqaadka muxaafidka ah ee Kayhan Daily, Hossein Shariatmadari, oo ah nin aad ugu dhow  Khamenei, ayaa weerar ku qaaday wadaadka wayn ee Ayatollah Ali al-Sistani iyo kulankii uu la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee QM, Jeanine Hennis-Plasschaert.

Kulakaa oo dhacay 24-kii Sebtembar, wuxuu Sistani ku boorriyey QM inay wefdi kormeer ah usoo dirto Ciraaq si ay u indha indheeyaan doorashada soo aaddan.

Shariatmadari ayaa qoray in “casuumaadda QM ay la mid tahay in aad ku dhawaaqdo inaad musalliftey oo aadan dalkaaga ku fillayn”, waxaana markiiba warkaa ka xumaaday siyaasiyiinta Ciraaq.

“Waxaannu si adag u cambaaraynaynaa warka lagu qoray wargayska Iiraan ee loogu gegey hogaamiyaha wayn ee Sistani; gefka noocan oo kale ihi wuxuu meel ka dhac ku yahay ciraaq oo dhan,” ayuu yiri RW hore ee dalkaas Nouri al-Maliki.

Ciraaq ayaa markii la ridey Saddaam kaddib waxay si dadban gacanta ugu gashay dalka Iiraan oo Shiicannimada u adeegsada qaab ay ku fuliyaan ajedohooda qaran.

Hadalsame Media