Magaalo wayn oo Yurub ah oo sanadka soo socda yeelanaysa ”Tagaasi Duulaysa (Muuqaallo cajiib ah)”

0

(Hadalsame) 01 Okt 2020 – “Tagaasi duulaysa” ayaa sanadka soo socda ka howlgeli doona woqooyiga magaalada Paris iyadoo tijaabada la bilaabayo bisha Juun, waxaana la doonayaa in ay si buuxda diyaar u noqdaan ciyaaraha Olombikada ee 2024-ka.

Tijaabada ayaa ka dhacaysa Pontoise-Cormeilles-en-Vexin oo 90 daqiiqo oo gaari ah woqooyi galbeed kaga beegan caasimadda, sida uu sheegay maamulka gobolka Ile-de-France, oo ay wehliyaan shirkadda garoonka ka shaqeeysa ee Groupe ADP iyo midda Gaadiidka Dadwaynaha ee RATP.

Gaarigan oo sidii daroon ah ayaa 100% koronti ku shaqeeya wuxuuna u degi karaa ama u kici karaa si joog ag (VTOL), waxaana lagu naanaysaa VoloCity, iyadoo ay ku fara yaraysatay sharikad Jarman ah oo la yiraahdo Volocopter.

Tijaabada ayaa diiradda saaraysa amaanka degaanka, hab-raacyada amaanka iyo xeerarka cirka, iyadoo sidoo kale loo diyaarinayo meelo laga dabeeyo iyo calaamada meelaha uu ku degayo ama ka duulaayo.

VoloCity wuxuu leeyahay 18 marawaxadood iyo 9 batari, wuxuuna midkiiba qaadi karaa 2 rakaab ah iyo boorso gacmeedkooda, iyadoo culayska guud ee uu qaadi karo uu yahay 200 km ama 440 rodol.

Wuxuu duuli karaa 110 km (68 mayl) saacaddii, isagoo gaari kara joog dhan 400 ilaa 500 oo mitir (1,312-1,640 cagood), iyo gacan dhan 35 km.

Hadalsame Media