MW Donald Trump oo aan 10 sano canshuur dhiibin (Kashifaaddan oo xilli xun kusoo beegantay marka la eego doodda Talaadada)

0

(New York) 28 Sebt 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa wajahaya eedo ku saabsan inuu sanado badan la gooynayey canshuurta ay ku leeyihiin maamullada Maraykanku, taasoo aad loo hadal hayey isla markii uu isa sharraxay ee doorashadii hore.

Sida uu qoray New York Times, waxaa Madaxwaynahan bilyaneerka ah lagu eedeeyey inuu $750 oo doollar oo qura bixiyey sanadkii dhamaa ee 2016-kii, oo ah sanadkii uu doorashada ku guulaystey iyo 2017-kii, isagoo aan wax canshuur ahba bixinin 10 ka tirsan 15 sanadood oo ka horreeyey.

Trump, oo markiiba sidii caadada ahayd warkan ku tilmaamay mid bar kuma taal ah gebi ahaanba “totally fake news,” ayaa waxay kashifaaddani uga soo aadaysaa jeer uu Talaadada uu dood fool fool ah ku wajahayo ninka la tartamaya ee Joe Biden.

Ninkan Jamhuuriga ah ayaa sidoo kale jebiyey dhaqankii madaxwaynayaasha isagoo diidey inuu bulshada la wadaago xogta canshuuraha ganacsigiisa, taasoo tuhun hor leh kicisay.

“Ugu horreeyn anigu canshuur badan baan bixiyey oo aan qaar siiyey gobolka…Waana lasoo bandhigi doonaa,” ayuu isku difaacey Trump oo diidda warka Times oo qoray xogta canshuuraha Trump 20-kii sano ee tegey.

The Times ayaa qoray in waxyaabaha la yaabka leh ee uu Trump sameeyey ay ka mid yihiin inuu canshuur celin ku samaystay waxyaabo aan caadi ahayn sida diyaaraddiisa iyo degaankiisa, sidoo kale $70,000 oo uu timaha ku hagaajistey xilliyo kala duwan oo uu TV kasoo muuqday ayaa ka mid ah waxyaabaha uu canshuur ceshiga ku samaystay, si ay lacagtu ugu baaqato.

Hadalsame Media