”Waxaan doonayaa inaan sameeyo dayuurado dhab ah!” – Dowladda & saxaafadda Turkiga oo aad u hadal haysa Guuleed Yare + Sawirro

0

(Gaziantep) 28 Sebt 2020 – Guuleed Cabdi, oo ah wiil 17-jir ah oo Soomaaliyeed ayaa haatan fursad u heli doona inuu hamigiisa iyo riyadiisa uga dhabeeyo Turkiga.

Guuleed oo baraha bulshada maxalliga ah bilowgii ku caan baxay kaddib markii uu sameeyey dayuurado iyo gawaari boombale ah isagoo adeegsanaya agab uu isku xir xirey, ayaa waxaa Sabtigii Turkiga gaysey Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga, iyadoo uu Wasiir Mevlüt Çavuşoğlu uu si gaar ah u agaasimey safarkiisa oo ay ku wehliyaan qoyskiisu.

Wasiir Xigeenka Dibedda, Yavuz Selim Kıran, ayaa soo tweet gareeyey Sabtigii in Turkey “ay garab taagan tahay Guuleed.”

Guuleed oo ay Turkigu ku naanayseen “Bayraktar-ka Somalia” iyadoo lagu misaalayo Selçuk Bayraktar, oo ah wiil dhallinyaro ah oo Turkish ah oo farsameeyey daroonka ay Turkigu caalamka uga yaabiyeen oo ay ku kulmeen isla Teknofest oo lagu qabtay Gobolka Koonfurta Turkiga ee Gaziantep.

Bayraktar ayaana Guuleed tusay farsamooyinkiisa, isagoo siiyey moodal ka mid ah daroonnada uu sameeyo ee Bayraktar, isagoo ballan qaaday inuu gayn doono xarunta shirkaddiisa Turkish Technology Team Foundation (T3).

“Wuxuu sidoo kale booqan doonaa shirkadaha kale ee sameeya dayuuradaha, wadis-beenaadka dayuuradaha (flight simulators) iyo daroonnada. Waa 17-jir i xusuusinaya sidii aan ahaa markii aan yaraa laftaydu,” ayuu yiri Bayraktar.

“Qof kasta waan u mahad celinayaa. Dalkii tas-hiilaad badan kuma haysan, balse waxaan doonayaa inaan Turkiga ka barto waxbarasho noocan ah. Waxaan ku riyoonayaa inaan dhiso sharikad soo saarta dayuuradaha iyo helakabtarrada,” ayuu yiri Guuleed oo 13-jir ahaa markii uu soo shaac baxay.

Hadalsame Media