Warar ku saabsan cidda xilka ku wareejinaysa RW Rooble oo soo baxay & Khayrre oo gool kale dhaliyey

0

(Muqdisho) 27 Sebt 2020 – RW cusub ee Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu wadaa inuu maanta xafiiska kala wareego ku sime Mahdi Guuleed oo ahaa sii-hayihii ay xil-gaarsiintiisa dooddu ka taagnayd.

RW hore ee Xasan Cali Kheyrre oo ahaa RW rasmiga ahaa ee Rooble ka horreeyey ayaa warqad uu qoray ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka iyo xogta uu hayo uu ku wareejiyo ninka bedelaya.

Yeelkeede, waxaa soo baxaya warar sheegaya inaysan taasi dhici doonin, haddii wax lagu qaato wararka soo baxaya qaarkood.

”27/9/2020 Siihayaha xilka Pm.ka Mud.Mahdi M Guuleed ayaa Xilka ku Wareejinaaya Ra’iisul-Wasaaraha Cusub Mud. Rooble INSHAA ALLAAHU.” ayay soo qortay Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiiradda Ciyaaraha & xildhibaanad.

Haddii ay tani dhacdo Khayrre oo la fahamsan yahay in sababta uu warqadda u qoray ay tahay inuu arrintan oo sharci darro ah tooshka ku ifiyo ayaa gool kale ka dhalinaya Madaxtooyada & Xukuumadda cusub oo marka laga soo tago inay xeerka ku tumanayaan misna keenaya tuhun ku saabsan waxa ay qarinayaan ama la ordayaan ee xumaanaya haddii uu RW hore xil wareejinta sameeyo.

Hadalsame Media