”Xilkaagu wuxuu ku egyahay 10-ka Oktoobar!” – RW Abiy Ahmed oo ay godkiisa biyo ugu soo galeen, tillaabo uu qaadayo & Maamulka Tigree oo amar diiddo sameeyey

0

(Addis Ababa) 27 Sebt 2020 – RW Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa wajahaya laba caqabadood oo kala duwan kaddib markii uu Maamul-goboleedka Tigreega oo qabsaday doorasho aysan ku tufin DF Itoobiya uu caddeeyey inuusan wax amar ah oo ku saabsan ku celinta doorashadaasi aanu ka qaadan doonin Addis Ababa.

Dhanka kale, qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ah ee Itoobiya ayaa iyaguna sheegay in RW Ahmed aanu RW kasii ahaan doonin wixii ka dambeeya 10-ka bisha soo aaddan ee Oktoobar oo ay sheegeen inuu ku egyahay muddo-xileedkiisu.

Sidaa darteed, RW Ahmed ayaa isaga oo adeegsanaya Ciidamada Millateriga iyo kuwa Booliiska Federaalka wuxuu soo saaray digniin uu ku sheegayo in aanu aqbali doonin mowqif kasta oo xag-jir ah oo umadda iska hor keenaya.

Doorashada Itoobiya oo lagu wadaa inay qabsoonto bisha Agoosto ee sanadka soo aaddan ee 2021-ka, kaddib markii dib loo riixay cudurka Covid-19 dartii.

“Waxaan ku khasbanaan doonnaa in aannu tillaabo ka qaadno cid kasta oo doonaysa inay dadka ku khasabto rabitaankeeda iyadoo ku tumanaysa Dastuurka,” ayuu yiri Jeneraal Berhanu Jula, oo ah Amaan Duule Xigeenka iyo Madaxa Howlgallada Gaarka ah oo saxaafadda la hadlay.

Xilli ay maalmaha yar ee soo aaddan ay dhacayaan dabaaldegyada Meskel Demera iyo mehrejaanka Erecha oo Addis Ababa ka dhacaya, Taliyaha Booliiska Federaalka ah, Jeneraal Endeshaw Tassew, ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in ajende gaar ah lagu dhex darsado, gaar ahaan kooxaha sheegaya inay xukuumaddu dhacayso horraanta bisha Oktoobar.

Hadalsame Media