Shan ishaaro oo ka dhalanaysa haddii la diido inuu RW Rooble xilka kala wareego RW hore ee rasmiga ahaa

0

(Muqdisho) 27 Sebt 2020 – RW cusub ee Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu wadaa inuu maanta xafiiska kala wareego ku sime Mahdi Guuleed oo ahaa sii-hayihii ay xil-gaarsiintiisa dooddu ka taagnayd.

RW hore ee Xasan Cali Kheyrre oo ahaa RW rasmiga ahaa ee Rooble ka horreeyey ayaa warqad uu qoray ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilka iyo xogta uu hayo uu ku wareejiyo ninka bedelaya.

Yeelkeede, waxaa soo baxaya warar sheegaya inaysan taasi dhici doonin, haddii wax lagu qaato wararka soo baxaya qaarkood.

Haddaba waxaa arrintan ka ratibmaya dhowr qodob oo ishaaraya halka ay wax ku socdaan:

1 – Sharcigu kuma xirna jacayl & nacayb waxaana mas’uuliyadda 1-aad ee ilaalintiisu saaran tahay MW dalka Md Farmaajo, haddii ay taasi dhici waydo waxaa hoos u dhacaysa sharciyadda iyo qiyamka nidaamka laftiisa.

2 – Haddii uu RW Rooble diido inuu xilka kala wareego RW rasmiga ahaa ee isaga ka horreeyey, waxay taasi dilaysaa sharciyadda (legitimacy) xukuumaddiisa, waxaa kale oo muuqanaysa inuusan ahayn nin ka madax bannaan saamaynta madaxtooyada.

3 – RW Khayrre oo 25-kii bishan xilka iska casiley kaddib markii si sharci darro ah looga qaaday sida ku cad Dastuurka, wuxuu markale dadka tusayaa inaan xeerka loo raacaynin sidii ay ahayd, taasoo loo badinayo inay tahay sababta uu arrintan carrabka ugu adkeeyey.

4 – Waxaa arrintani sii saadaalinaysaa inay berri iman doonaan tillaabooyin kale oo sharci darro ah oo fara badan.

5 – Waxay wax badan ka sheegaysaa shakhsiyadda iyo kartida nidaamka jira, maadaama la shaksiyeeynayo arrin umadeed oo kaliya ku hirgeli karta ixtiraamka qandaraaska umadda oo ah Dastuurka dhexe.

FG: Arrintani shuqul kuma laha taageero ama mucaaradad toona balse waa ilaalinta Dastuurka dalka.

Hadalsame Media