DAAWO: Nin gaari IS-WADA oo xawaare dhaafsan iska dhex seexday oo dacwo loo haysto (Imisa KM ayuu ku socdey saacaddii?)

0

(Ponoka) 27 Sebt 2020 – Nin darawal ah ayaa lagu dheggan yahay oo maxkamad la saarayaa, kaddib markii uu gaarigiisa geeyey muuqaalka is wadista (autopilot) kaddibna uu iska seexday isagoo maraya jidwayne (highway) ku yaalla baadiyaha Canada.

Arrintan ayaa ka dhacday meel u dhow magaalada Ponoka ee Gobolka Alberta, halkaasoo la arkay gaariga oo xawaare dhaafay kuna socda 140 km/saacaddii jeer aanay cidna saarnayn kuraasida hore, sida ay sheegeen booliiska maxalliga ihi.

Sida uu xaqiijiyey Hilinka CBC, wuxuu gaarigani ahaa nooca korontada ku shaqeeya ee TESLA, iyada oo uu darawalku ahaa wiil 20-jir ah.

Gaarigan ayaa xadka xawaarihiisa loogu tala galay in aanu dhaafin uu yahay 110 km/saacaddii, iyadoo uu Saajin Darrin Turnbull uu CBC  u sheegay inuu “war kasoo bixi waayey” markii uu arkay falkan oo uu sheegay inuusan arkin 20 sanadood oo uu Booliis ahaa, waloow aanay tiknolojiyaddani xilligaa jirin.

Hannaanka is wadidda Tesla (autopilot) ayaa loogu tala galay in marka gaariga la geeyo uu is leexiyo, karaariyo ama is qabto isagoo ku dhex jira khadkiisa jidka (lane), balse looguma tala gelin in sidaa la yeelo iyadoo uusan darawal isha ku haynin ama muraaqibaynaynin.

Sidoo kale, sharikadda TESLA ayaa war ay webkeeda soo dhigtay uga digtey in “muuqaalkan autopilot-ku uu u baahan yahay inuu darawal la socdo balse aanu ahayn mid iskii u madax bannaan.”

PETALUMA, CALIFORNIA – SEPTEMBER 23: A Tesla car sits parked at a Tesla Supercharger on September 23, 2020 in Petaluma, California. California Gov. Gavin Newsom signed an executive order directing the California Air Resources Board to establish regulations that would require all new cars and passenger trucks sold in the state to be zero-emission vehicles by 2035. Sales of internal combustion engines would be banned in the state after 2035. Justin Sullivan/Getty Images/AFP
== FOR NEWSPAPERS, INTERNET, TELCOS & TELEVISION USE ONLY ==

Hadalsame Media

Facebook Comments