Khayrre oo soo dhoweeyey meel marin heshiiska doorashooyinka & shardi uu soo jeediyey

0

(Muqdisho) 26 Sebt 2020 – RW hore Xasan Cali Khayrre ayaa soo dhoweeyey meel marinta ay labada aqal ku socodsiiyeen heshiiskii doorashada ee DF iyo maamullada.

Khayrre oo horayna heshiiskaa u soo dhoweeyey ayaa haatanna ansixintiisa midigta saaray oo ayidey isagoo boggiisa kusoo qoray:

“Waxaan bogaadinayaa go’aanka ay labada gole ee baarlamaanku wadajirka ugu ansixiyeen heshiiska doorashada,” ayuu yiri isagoo ku baaqay hal shardi.

“Tallaabadaas ayaa dalka u jiheyneysa dariiqii doorashada. Waxaan ku baaqayaa in nidaamka Doorashadu uu noqdo mid loo dhanyahay, daah furan oo u qabsoonta si xor & xalaal ah.” Ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media