Dibedbaxyo ka dhacay G. Gedo & codsi loo jeediyey umadda Soomaaliyeed (Magacyada wiil la diley & kuwa la qafaashay oo lasoo badhigay)

0

(Buulo Xaawo) 26 Sebt 2020 – Waxaa dibedbaxyo ka dhan ah ciidamada KDF ee Kenya ay ka bilowdeen degmooyin ay ka mid yihiin; Baardheere, Beled-Xaawo, Ceelwaaq iyo meelo kale oo ka mid ah Gobolka Gedo.

Dadka dibedbaxyaa ayaa dalbanaya in Dowladda Kenya ay qaaddo mas’uuliyadda dilkii arxan-darada ahaa ee ay ka geesteen Tuulada Yado, halkaas oo ay ku khaarajiyeen marxuum Cabdullaahi Warsame Abayle oo ahaa Arday 19 jir ahaa.

Waxaa kale oo ay dibed baxayaashu ay dalbadeen in laga helo geeri iy nololba 3 qofood oo kala ah: Maxamed Bare Qorane, Warsame Abayle Cilmi iyo Maxamed Shide Xassan oo ay wateen Ciidamada KDF.

Dadwaynaha ayaa sidoo kale ka hadlay gabood-fallada cir iyo dhulba ah ee ay Ciidamada Kenya ka wadaan Gobolka Gedo, iyagoo ku gooddiyey inay samaysan doonaan jabhad difaacda naftooda, sharaftooda, jiritaankooda, iyo umadnimadooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay kale oo ay umadda Soomaaliyeed u jeediyeen in xaquuqa ay Kenya waddo aanu ahayn mid u gaar ah Gobolka Gedo, balse ay ka dambayso istaraarijiyad ballaaran oo ku dhisan qaybi oo xukun oo ay ku doonayso dhul-ballaarsi ay u kaashanayso kuwo diirka Soomaali ka ah balse aan damiirka ka ahayn.

”Haddii Damiir Soomaalinimo iyo dareen wadaniyadeed jiro, waa in ummadda Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan gude iyo dibadba ka dhiidhiyaan xasuuqa Kenya, guud ahaanba Dalka waa in ay ka dhacdaa dibadbaxyo lagu garab istaagayo shacabka maatada ah ee aan waxba galabsan ee Gobolka Gedo.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dibedbaxayaasha oo sidoo kale DF Somalia ka codsaday inay ciidamo usoo dirto.

Hadalsame Media

Facebook Comments