Wixii aan kusoo arkay maxkamadda shalay lagu qaaday kiiska isha lagu wada hayo ee XAMDI?!!

0

(Muqdisho) 25 Sebt 2020 – Waxaan maqlay in la sii daayey qaar ka mid ah dadkii loo soo xiray kiiskii Xamdi oo lagu tuhunsanaa iney ku lug leeyihiin kiiskaas oo indhaha lagu wada hayo. Waxaan kaloo maqlay Eedeyn ka imaneysa Ehelada Marxuumdda kuwaas oo Maxkamada iyo Booliiska eed kala dul dhacay.

Aniga waxaan ka mid ahaa dadkii Maxkamadda joogey maalintii koowaad oo Eedeysanayaaha Maxkamada la hor keenay.

Malainkaas waxaa Maxkamadda la hor keenay 12 Edeysane oo kala ahaa.

1. Ninkii Gabadha Hoteelka geeyey oo Cadaado laga soo qabtay.

2. Ninkii Waardiyaha ka ahaa Hoteelka oo aqoon fiican u lahaa Eedeysanaha koowaad sababtana u ahaa iney qol wada galaan Wiilka iyo Maxuumadda.

3. Reception-ka Hoteelka ninkii joogey oo isagu Gabadha iyo Wiilka furaha qolka siiyey isagoo aan wax su’aal ah weydiin.

4. Milkiilihii Hoteelka.

5. Seddax Wiil oo siyaabo kala duwan u deganaa Hoteelka oo mid cararay markii falku dhacay, oo loo tegey qolkiisii oo furan oo ay alaabtiisu dhex taalo.

6. Ninkii uu u shaqeynayey Eedeysaha koowaad oo Suuqa Bakaaro laga soo xiray

7. Laba nin oo siyaabo kala duwan u danmiintay Eedeysanaha koowaad oo iyna meelo kala duwan laga soo xiray.

8. Iyo 2 nin oo u Muuqaal ekaa Eedeysanaha koowaad oo Suuqa Bakaaro laga soo qabtay.

12-kaas Maxkamadu markey dhegeysatey dacwad baaraha iyo iyagaba waxay amartay in la sii daayo 5 qof oo kala ah. 2-da nin ee u muuqaal ekaa Eedeysanaha koowaad, ninkii uu u shaqeynayey iyo 2-dii nin ee damiintay markii uu shaqada doonananyey, Waxaana baaristoodu la amray iney sii socoto 7 Eedeysane.

Intii aan Maxkamadda jooey aad ayey ii farax gelisey shaqada ay qabteen ciidanka Booliiska qeybtooda baarista denbiyada ee CID, waxaana ii soo baxday in aan leenahay Booliis la isku haleyn karo maadaama ay soo qabteen cid walba oo kiiskaas lagu tuhmi karey.

Hadda waxaa soo baxday in la sii daayey qaar ka mid ah 7-dii Eedeysane ee la tuhunsanaa oo ay Maxkamaddu amartay iney sii socoto baaristoodu, taasuna waxa ay ka careysiisay Ehelada Marxuumadda.

Aragtideyda, madaama aan goobjoog ahaa, dadka la leeyahay waa la daayey oo laga cabanayo haddii ay ku jiraan, 1. Eedeysanihii koowaad, 2. Waardiyihii sababta u ahaa iney Meesha yimaadaan Wiilka iyo Gabadha, 3. soo dhoweeyihii Hoteelka ama Reception-ka ninkii joogey, iyo weliba ninkii cararay ee hoteelka deganaa, waxaan qabaa in meeshaas wax xoogaa tuhun, eex, laaluush ama aqoon dari ahi ay jirto booliiska dhexdiisa. laakiin haddii Eedeysanayaashasi xiran yihiin waxaan rumeysanahay intolkey (Ehelada Marxuumadda) ay fududaadeen.

Guntii, kiiska Xamdi indhha ayaa lagu wada hayaa dal iyo debed, mana ahan kiis dheel-dheel, Laaaluush ama Musuq lagula kici karo, waxaan qabaa in aan la degdegin oo laga war sugo baarayaasha kiiska maadaama ay markii horeba wanaagsanaayeen.

FG. Waxaan habooon In kiiskan baaristiisa aan lagu deyn ama lagu aaminin hal, Labo ama sedax baare ee ugu yaraan ay soo baaraaan 7 koox oo baarayaal kala duwan ah si xaqiiqda looga daba tago.

Waxaa Qorey: C. Naasir Iidle

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan oo qura

Hadalsame Media