Baarlamanka oo berri u codaynaya heshiiska DF Somalia & Maamullada (Arrin aan beryahan dhicin oo ka mid ah)

0

(Muqdisho) 25 Sebt 2020 – Waxaa berritoole oo Sabti ah qabsoomaya kulan ay u dhan yihiin labada gole, kaasoo loogu codeeynayo heshiiskii 15-ka qodob ahaa ee ay gaareen DF iyo Maamulladu.

Kulankan oo noqonaya midkii ugu horreeyey ee ay in muddo ah kasoo wada qayb galaan labada aqal ee baarlamanka dhexe kaddib markii uu khilaaf dhex galay Guddoonka Aqalka Sare iyo Madaxtooyada ayaa isha lagu wada hayaa, iyadoo ay saadaashu tahay inuu baasi doono.

”Mudane Xildhibaan barri oo Sabti ah Tar 26 Sep waxaa jira Kulan wadajir ah labada Gole ee BFS,” ayaa ku qoran farriin loo kala diray xildhibaannada.

”Agendaha: U Codeynta Heshiiska Siyaasadeed ee Jihaynta Doorashada Xildhibaanada BFS ee 2020/21.Saacadu waa 09:00 subaxnimo.” ayaa la raaciyey.

Hadalsame Media