Talyaaniga oo ay ka socoto afti ku fiicnaan lahayd dalka Somalia (Maxay ku saabsan tahay?)

0

(Roma) 23 Sebt 2020 – Dadka Talyaaniga ayaa cayrinaya boqollaal siyaasi kaddib marka ay u codeeyaan afti lagu yaraynayo Baarlamanka dhexe ee dalkaasi.

Tirada Xildhibaannada Baarlamanka ayaa la yaraynayaa ugu yaraan 33% taasoo miisaaniyadda qaranka Talyaaniga u biirinaysa adduun lacageed oo dhan $1 bilyan oo doollar 10-ka sanadood ee soo aaddan.

Qiyaastii 345 siyaasi ayaa sidaa ku macasalaamaynaya waxa Talyaaniga looga yaqaan ”Nolosha Macaan” ama ‘la dolce vita’ ee lagu dhuuqo canshuurta dadwaynaha, iyaga oo raadsan doona shaqooyin rasmi ah.

Waxaa tirakoobka ka muuqata in 54% ay dadwaynuhu codaynta usoo bexeen, kuwaasoo 70% ka mid ihi taageersan yihiin hindisahan lagu yaraynayo tirada xildhibaannada.

Arrintan oo kale ayaa waxaa u baahan dalal ay Talyaanigu dhaqaale ahaan kun jeer dhaamaan, sida Somalia oo waxa qura ee haatan laga fikiraa ay 90% yihiin in siyaasadda lagu xoolaysto, iyadoo la dhisay Aqal Sare, jeer uu jirey Aqal Hoose oo dhimis u baahan.

Waxaa intaa dheer, Maamul-goboleedyo magac u yaal ah oo iyaguna ka kooban boqollaal Wasiir iyo boqollaal xildhibaan, kuwaasoo aanu dalku soo saarin kharashaadka badan ee ku baxaya.

Hadalsame Media