Juventus & Luis Suarez oo fadeexad dhex taagan & tillaabo sharci ah oo laga qaadi karo

0

(Perugia) 23 Sebt 2020 – Waxaa soo baxaya arrin fadeexad ah oo ku saabsan inay Juventus door ka ciyaartay in laacibka Luis Suarez oo ay doonayeen uu waraysi ay iyagu la dhiseen galo markii uu dalbanayey Baasaboorka Talyaaniga.

Warqaadka Corriere della Sera, ayaa qoray in Juventus ay imtixaanka la dhistay Luis Suarez iyadoo u maraysa qarreenkeeda si ”kooxda loo keeno shisheeye hor leh”.

Wargayska oo sheekada oo dhan dib u dhisay ayaa qoraya in ilaa bilowgii Sebtember ay jireen telefoonno aan kala go’ lahayn oo u dhaxeeyey Simone Olivieri, Maareeyaha Guud ee  University for Foreigners of Perugia, iyo Maria Turco, oo ah qarreen ka tirsan Chiusano oo ah shirkad sharci oo uu hoggaamiyo Luigi Chiappero, oo ah hay’ad ay taariikhiyan adeegsato kooxda Bianconero.

Maadaama uu doonayo Baasaboor Talyaani ah, waxaa markaa lagu heshiiyey in imtixaanka luuqadda lagu galo qaab aan waafaqsanayn hab-raaca caadiga ah sida in loosii qoro jawaabaha su’aalaha Talyaaniga ah ee la waydiin doono iyo xitaa darajada lagu abaal marin doono oo loo sii dheegay, taasoo ah arrin musuq ah.

Juve halis maku jirtaa? Marka laga soo tago tuhunka ah mas’uuliyad dembi (ilaa hadda naadiga iyo Suarez midkoodna kama tirsan la tuhunsanayaasha, xitaa haddii laacibka reer Uruguay ay dhici karto in loo yeero si uu u sharroxo waxa dhacay iyo inta uu ka ogyahay).

Dhanka garsoorka ciyaaraha, Garsoorayaasha Maxkamadda Perugia ayaa dokumentiyada ay hayaan u gudbin doona dacwad oogaha Xiriirka Talyaaniga ee FIGC, kaasoo qiimayn doona haddii loo baahan yahay in baaritaan rasmi ah arrintan lagu sameeyo.

Juve ayaa haddii ay ku caddaato inay arrintan lug ku leedahay waxay wajihi kartaa ciqaab culus.

Hadalsame Media