“Nin Yuhuud ah ayaa sanad qarinayey adiguna ma hal maalin ayaad magangelin waydey?” – Qiso dhab ah oo qiime badan

0

(Hadalsame) 22 Sebt 2020 – Boqor la oran jirey Xakam ibn Hishaam oo xukumayey Andalus (Spain iyo Portugal) sannadihii 180H ilaa 206H ayaa dadkii ka cawdeen xumaantiisa. Culimadii ayaa kacdoon samaysay. Laakiin ciidankiisii ayuu hawl geliyey oo kacdoonkii demiyey. Shiikh la yiraahdo Daaluut oo ka baqayey boqorka ayaa ku dhuuntay guri uu leeyahay nin Yuhuud ah.

Sannad markuu ku jirey ayuu dhibsaday la joogga Yuhuudka oo u soo wareegay nin saaxiib ay ahaayeen oo boqorka wasiir u ah. Wasiirkiina boqorka ayuu u sheegay in uu gurigiisa ku hayo shiikhii Daaluut ahaa.

Boqorkii ayaa ku yiri shiikhii: “Daaluudoow sow anigii wax badan kuu qabtay oo ku wanaajin jirey, maxaad dadka iigu kicisay?” Shiikhii wuxuu yiri “Waan qirayaa inaad si fiican iila dhaqmi jirtey, laakiin ilaahay dartiis ayaan kuu nacay.” Boqorkii wuxuu ku jawaabay “Waxaan ku ogaysiinayaa in ilaahii aad dartiis ii nacday aan dartiis kuu cafiyey…, Laakiin sidee wasiirku kuu soo qabtay?” Wuxuu yiri “Anigaa isu keenay”
Boqorkii: “Oo sannadkii dhammaa xaggee ku maqnayd?”
Shiikhii: “Waxaan la joogay Yuhuudka hebel ah”
Boqorkii wuxuu ku jeesaty wasiirkii oo yiri “Yuhuud miyaa shiikha sannad dhan qariney, adiguna hal maalin ayaad iigu keenatay? Iga hor dhaqaaq ilaahay wejigaaga qiyaamaha ima tusee”

Boqorkii wuxuu u yeeray Yuhuudkii oo siiyey abaal marin uu ku mutaystay ballan wanaagiisa iyo ixtiraamka uu shiikha ku dhawray. Yuhuudkiina wuxuu go’aansaday inuu diintii uu sanndka shiikha ka arkayey qaato oo soo islaamay.

Xigasho: Siyarul Aclaam Al-Nubalaa…..Dahabi Juzka 8 warqadda 255

Waxaa Tarjumey: Ismaaciil Diiriye

Hadalsame Media