Halkee sii marayaa dhismaha jidka isku xira Muqdisho & Afgooye + Sawirro

0

(Muqdisho) 22 Sebt 2020 – Waxaa ku dhowaad kala bar maraya dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo dhismihiisa beri dhowayd dib loo bilaabay.

Jidkan oo ka mid ah mashaariic ay Somalia u maalgelinaydo Dowladda Qadar ayaa waxaa dhismihiisa qandaraas ku qaatay dalka Turkiga.

Wuxuu jidku haatan sii dhaafayaa tabbeellaha KM 13 iyadoo shaqaalaha dhisaya amaankooda aad loo sugay kaasoo ay iska kaashanayaan Ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad iyo Turkiga.

“Hadda Tareedisho buu laamigu foodda la galay, balse caraddu way sii dhaaftay oo Siinka Dheer bay u dhawdahay.” Ayuu yiri nin magaciisa qariyey oo u warramay Hadalsame Media.

Hadalsame Media