Khayrre & Qoorqoor oo kulan khaas ah wada qaatay (Qodobbada ay ka hadleen)

0

(Muqdisho) 22 Sebt 2020 – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, Xasan Cali Kheyrre, ayaa xalay waxa uu magaalada Muqdisho kulan khaas ah kula qaatay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

RW hore Khayrre oo 12-kii bishan si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u ordayo xilka Madaxtinnimada DF Somalia, ayaa bartiisa ku shaaciyey kulankan oo raacaya dhowr kulan oo kale oo uu la yeeshay siyaasiyiin kala duwan.

“Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye. Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada iyo kaalinta Galmudug,” ayuu soo qoray Khayrre.

”Sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa.” ayuu dabadhigay Kheyrre qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook & Twitter.

Waxaa la fahamsan yahay inay ka wada hadleen wax ka badan inta uu Khayrre sheegay, kuwaasoo qayb ka ah dedaalka uu ku doonayo in lagu doorto.

Kheyrre oo dadaal aad u badan ku bixiyay dhismihii Galmudugta cusub ee lagu doortay Qoorqoor, isagoo halkaa fadhiyey 45 maalmood oo xiriir ah ayay dad badan oo degaankaa ku nooli arrintaa ku amaanaan.

Khayrre & MW Qoorqoor ayaanse kulan rasmi ah yeelanin tan iyo markii uu xilka ka degey 25-kii Luulyo, waloow ay muddo Muqdisho wada joogeen.

Hadalsame Media