Airbus oo samaynaysa dayuurado rakaab kuwii ugu horreeyey oo aan shidaal u baahnayn & maadada ay ku shaqeeyaan

0

(Toulouse) 22 Sebt 2020 – Shirkadda dayuuradaha dhista ee reer Yurub ee Airbus ayaa higsanaysa inay samayso dayuuraddii abid ugu horreeysey ee ku shaqaysa curiyaha hydrogen-ka ee rakaab ah, taasoo lagu wado inay hawada gasho 2035-ka, sida uu maanta sheegay Agaasimaha Guud ee Guillaume Faury.

Hydrogen-ku waa shidaal nadiif ah, kaasoo kaliya sii daaya uumi, balse in lagu tilmaami karo tamar cagaarani waxay ku xiran tahay hadba shidaalka loo adeegsado soo saaristiisa.

Dalalka Yurub ayaa balaayiin doollar oo euro ku kharash garaynaya mashruucan si loo hormariyo hydrogen cagaaran oo aan bay’ada waxba u dhimin, iyada oo looga gol leeyahay in marka dambe ay sidoo kale adeegsadaan wershadaha hawada wasakheeya ee dikhowga badan.

Sida uu Faury u sheegay Le Parisien, ujeedku wuxuu yahay in la adeegsado hydrogen aan soo saaristiisu u baahnayn wax kaarboon ku lug leh balse taa bidaalkeeda la adeegsado tamar dhaliyeyaasha casriga ah ee cagaaran.

Airbus ayaa horraanba tiknolojiyad hydrogen tamaraysata u adeegsata dayax-gacmeedyadeeda iyo gantaalka Ariane.

Wuxuu Faury sheegay in samaynta dayuurad adeegsanaysa tamar kaarboon ka maran aanay mucjiso ahayn hadda, balse kaliya loo baahan yahay dhowr sanadood oo ay ku qaan gaarto iyo sanado kale oo lagu diyaariyo wax soo saar badan.

Hadalsame Media