”Waxaad iska dhigdhigaysaa Napoleon balse karti kuma dhamid!” – Turkiga oo madfac ku ridey Macron oo hadda is debciyey

0

(Paris) 19 Sebt 2020 – MW Faranjiga ee Emmanuel Macron ayaa maanta ku baaqay war midkii hore ka jilacsan oo ah in Turkiga “wada hadal mas’uuliyadaysan” lagala yeesho Bariga Badda Dhexe, jeer mar aan dheerayn uu ku hanjabayey in Ankara ay cunaqabatayn saaraan Midowga Yurub.

“Magaalada Ajaccio, waxaannu Turkey u dirnay farriin cad: aanu dib u bilowno wada hadal mas’uuliyadaysan oo daacad ah. Baaqaasi waa sidoo kale midka Baarlamanka Midowga Yurub. Aannu horay u soconno,” ayuu yiri Macron oo warka weliba kusoo tweet gareeyey af Turkish.

Turkiga ayaa Jimcihii shalay ahaa Macron ku eedeeyey inuu bansiin kusii shubayo xiisadda Bariga Badda Dhexe oo uu sii cakirayo in xal la gaaro, maadaama uu dirdirayo Giriigga.

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar, oo Channel 4 News oo Ingiriiska ku yaalla la hadlay ayaa sheegay in MW Faransiisku uu isku deyayo inuu dheelo doorkii Napoleon oo dhintay laba qarni kahor, balse aanu tabar iyo adayg ku dhamayn, isagoo intaa raaciyey in uu u dhex boodayo arrinta Bariga Badda Dhexe si uu ugu qariyo mashaqooyinka maxalliga ah ee haysta.

Wuxuu intaa daba dhigay in Turkey uu difaacan doono xaqiisa aaggaasi oo uu ka kulaalo qiyaastii 2,000 km (1,242 mayl).

Hadalsame Media