Maraykanka oo si cad u sheegay inuu nin BASAAS u ah u dhiibayo madaxtinnimada Falastiin

0

(Tel Aviv) 19 Sebt 2020 – Danjiraha Maraykanka ee Israel, David Friedman, ayaa sheegay in Maraykanku ay ka baaraandegayaan in MW Falastiin ee Mahmoud Abbas uu ku bedelayo hoggaamiyihii hore ee Fatah, Mohammed Dahlan.

Friedman ayaa warkan sheegay mar uu waraysi siiyey Israel Today, oo ah hay’ad wareed aad ugu dhow RW Israeli ee Benjamin Netanyahu.

Mar la waydiiyey in Maraykanku uu qorsheeynayo inuu Dahlan, oo haatan Imaaraadka ku nool ay u dhiibayaan hoggaanka Falastiin wuxuu ku af celiyey: “Waannu ka fikiraynaa middaas, balse naguma jiro hammi ah inaan injineerno hoggaanka Falastiiniyiinta.”

Friedman ayaa horay dhowr mar u weeraray hoggaanka Falastiin, gaar ahaan Maxmuud Cabbaas, isagoo si cad Daanta Galbeed ee Falastiin ugu tilmaamay Judea iyo Samaria, isla markaana sheegay in hoggaanka Falastiin aanu si wanaagsan ugu adeegaynin shacabkiisa.

“Waxaan rumaysnahay in dadka Judea iyo Samaria ay doonayaan nolol wanaagsan. Dadka Falastiin waxay u baahan yihiin inay gartaan inay taasi tahay hadaf la gaari karo.” ayuu yiri isagoo xitaa quuri waayey inuu ku tilmaamo Daanta Galbeed, weliba Israel oo doonaysa inay xig-goosato ayaa magacaa ugu yeerta.

Kaaga darane wuxuu Friedman carrabka ku adkeeyey in dhulka Daamta Galbeed ay Israel leedahay oo ay dadka Yuhuuddu xaq u leedahay inay halkaa degto.

Maxamed Daxlaan ayaa ah nin lagu xanto inuu basaas u yahay Maraykanka iyo Israel isagoo afgembiyo ka agaasimey dalal ay ka mid yihiin Masar, Turkey iwm, halka uu Maraykanku waloow uu weligii taageeri jirey Israel uu haatan u dhaqmayo sidii maamul kaba tirsan Israel.

Hadalsame Media