Maxaa ka dhex socda hoteellada Muqdisho & meelo kale? Rag madax ah oo caadaystay inay gabdhaha yar yar kula kacaan wax aan kufsi dhaamin & dhibka haysta gabdhaha danyarta ah

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2020 – Waxaa haatan magaalada Muqdisho ka taagan arrin dad badan filan waa iyo fajaciso ku noqotay waana kufsiga gabar da’yar oo sida warka ilaa haatan lagu hayo lagu soo xera geliyey in shaqo la siinayo, taasoo deetana dabaq dheer laga tuuray.

Gabadhaasi waa Xamdi Maxamed Faarax oo eedaysanayaasha loo haysto kufsigeeda ama fududayntiisa maanta markii 1-aad Maxkamadda Gobolka Banaadir la hor keenay.

Yeelkeede, waxaa jira jarriimooyin kale oo ay la baxsadaan madax kala duwan oo iyaga oo dhaqaalo darrada uga faa’iidaysanaya ka dhillaysta gabdhihii ay noloshooda dhisi lahaayeen.

Sida ay ilo xog ogaal ihi Hadalsame Media u sheegeen waxaa jirta madax badan iyo qaar ka tirsan shaqaalaha dowladda (staff) oo hoteellada magaalada gaysta gabdho yar yar oo ay qaarkood aad u da’ yar yihiin.

Raggan ma xishoodayaasha ah oo hebel iyo hebel loo yaqaan ee sida khaldan uga faa’iidaysanaya awoodda dowladda ayaa hablaha yar yar ee danyarta ah ee ay beleeynayaan u yaqaan ”dhaylo”, waxayna leeyihiin silsilado isku xiran oo ay ka mid yihii haween kale oo usoo ilaaleeya kaddibna u keena gabdhahaa yar yar.

Arrintan ayaan kaliya ahayn gabar lala tuntay, balse waa kufsi oo kale maadaama gabadha yar looga faa’iidaysanayo laba walxaato oo ay midi tahay in aanu caqligeedu weli ku fillayn da’da yar darteed iyo in looga faa’iidaysanayo dhaqaale xumada iyo hayn yaraanta taasoo ah dhiig miirasho (exploitation).

Waxaa dheer in gabdhaha qaarkood ay galaan God Madoow (Black Hole) oo aysan ka bixi karin iyada oo qaarkood sawirro iyo muuqaallo laga duubo kaddibna lagu rakaateeyo amaba xitaa la isu sii baas baaso.

Arrintan oo sidoo kale ah kufsi loo gaysanayo aayihii iyo mas’uuliyaddii dalka, sidoo kalena ka jirta magaalooyinka kale ee Somalia iyo dhulalka Soomaalidaba, ayaa u baahan in il gaar ah loo yeesho oo ay DF waxa uga aaddan ka qabato, isla markaana laga soo saaro shuruuc cad cad, maadaama xilkii qaranka jaranjar looga dhiganayo in la dhaawaco sharafta gabdhaha Soomaaliyeed iyo hooyooyinkii berritoole.

Hadalsame Media