DAAWO: Turkiga oo sameeyey taangi berri biyood ah oo samayn kara hab-dhaqaaq naadir ah + Sawirro

0

(Ankara) 17 Sebt 2020 – Sharikadda Turkish-ka ah ee FNSS ayaa galabta tijaabisey in taangiga gaashaaman ee berri biyoodka ah ee ZAHA uu is geddin karo haddii uu lacalla gaddoomo.

“Gaariga gaashaaman ee ZAHA oo loo dhisay ciidanka badda Turkiga ayaa dhamaystirtay tijaabo isa sixitaan ah, isagoo awood u leh inuu is geddiyo isagoo aan wax u gaysan askarta saaran isla markaana aan adeegsan hannaan dheeraad ah.,” ayuu yiri Ismail Demir, Madaxa SSB oo ah hay’adda samaysan agabka ciidamada oo khabarkan soo tweet gareeyey galabta.

FNSS ayaa 27 gaari oo noocan ah u daabulaysa Ciidamada Xoogga Turkiga: 23 waxay qaadaan askarta, 2 waa talisyo, 2 kalena waa samata bixiyeyaal.

Wuxuu ZAHA leeyahay awood dhaqaaq oo aad u sarreeysa isagoo badda ku mari kara xawaare gaaraya 7 knot, halka uu berriga ku xawaawayn karo 70 km/saacaddii.

ZAHA, oo sidoo kale fuuli karo taag uu janjeerkiisu gaarayo 60%, ayaa si sahlan ku dhaafi kara caqabad uu dhererkeedu gaarayo 90cm iyo godad 2 mitir ballac la’eg.

ZAHA wuxuu sidoo kale leeyahay awood uu ku qaadi karo hub fara badan oo kala duwan iyo tooreet laga hagi karo fogaanta (remote control) oo uu saaran yahay qori darandoorri u dhaca oo 12.7mm ah (machine gun) iyo bambo tuure 40 mm ah.

 

Hadalsame Media