Maraykanka oo Kenya ku cadaadinaya inuu gudeheeda duqaymo ka gaysto (Maxaa ka mid ah qorshaha?)

0

(Nairobi) 17 Sebt 2020 – Maraykanka ayaa doonaya in markii ugu horreeysey taariikhda uu duqaymaha daroonka ka fuliyo gudaha Kenya isla markaana uu ka sameeyo saldhig ay daroonnadu adeegsadaan, sida ku qoran New York Times.

Taliska AFRICOM ayaa Kenya ku cadaadinaya inay aqbasho in kooxda Al Qaeda lala xiriiriyo ee Al Shabaab lagu bartilmaameedsado bariga Kenya, gaar ahaan xad-beenaadka oo badiyaa ah dhulka Soomaalida ee dalkaa maamul ahaan hoos taga.

Maraykanka ayaa inuu qorshahan ka fikiro bilaabay markii beri dhowayd la weeraray saldhig ay ciidamadiisa baddu ku leeyihiin magaalada Lamu taasoo lagu diley hal askari iyo 2 qandaraasle oo Maraykan ah.

Ciidanka Kenya ayaan ka jawaabin warkan uu qoray Times kaddib markii uu arrintaa hordhigay the Business Daily balse Kenya ayaa sanadihii dambe waxay weerarro kala kulmaysey kooxda Al-Shabaab.

Hindisaha uu Maraykanku wato ayaan kaliya ahayn inay Maraykanku weerarrada daroonka ah u fuliyaan is difaacid ahaan, balse waxaa sidoo kale ku jirta in ay iyagu iskood u qaadi karaan weerarro horseed ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada la tuhmo sida hoosooyinka lagu xir xiro gawaarida iyo walxaha la qarxiyo.

Hadalsame Media