DAAWO: Salwa Xuseen waa haweeney wadneheeda boorso ku wadata!!

0
Picture: Craig Hibbert 29-12-17 Selwa Hussain with her portable heart.

(London) 15 Sebt 2020 – Salwa Xuseen waa gabadh aan WADNE LAHAYN waxayna ku wadataa boorsada ay xambaarsan tahay wadne gacan ku samays ah (Artificial Heart).

Xaaladaas oo kale dadka kusugan adduunka aad ayay u tiro yar yihiin. Waxay ku nooshahay dalka Ingiriiska, waxayna u baahan tahay in wadne cusub lagu talaalo balse safka dheer kuma simaynin xannuunka hayey, marka waxaa loo sameeyey wadne macmal ah.

Culayska boorsada iyo mishiinka wadnaha ah ee kujira waa 6.8 Kg kaasoo ka kooban 2 batari kuwaas shaqo ahaan ka caawinaya sidii dhiigu u wareegi lahaa.

Salwa wajigeeda waxaa ka muuqda farxad iyo dhoola caddayn waxayna mahadinaysaa Allaha xaaladaas nafteeda u doortay.

Waxaa Diyaariyey: Xarbi Cali Raage

Hadalsame Media