Facebook oo damiyey Robot-yo u shaqaynayey kaddib markii ay bilaabeen inay ku wada hadlaan af ay iyaga oo qur ihi fahmayaan (Akhri wixii ay ku wada hadlayeen)

0

(Menlo Park, CA) 11 Sebt 2020 – Facebook ayaa gebi ahaanba joojiyey barnaamij uu ku tijaabinayey laba robot oo ah kuwa leh caqliga macmalka ah (AI) oo bilaabay inay ku wada hadlaan war sirgaxan oo ay iyaga oo qur ihi isla garanayaan, kana duwan wixii lagu barnaamijeeyey.

Labada robot ayaa iskood u bedeley Ingiriisigii la geliyey taasoo howshooda u fududeysay – balse waxay taasi ku adkaatay injineerradii la doonayey inay arrintooda muraaqibeeyaan oo u muuqday kuwo intii ay yaqaaneen la isla dhaafay.

Waxyaabaha ar robot-yada Facebook ka sheekaysanayeen oo uu mid kasta leeyahay baaq luuqadeed oo horay loo yaqaanney ayaa ku saabsanaa sidii uga hadli lahaayeen wax is dhaafsi ku aaddan ganacsi, koofi, kubbado iyo buugaag, balse waxay adeegsadeen nidaam aysan fahmayn dadkii aadanaha ahaa ee ku shaqaynayey.

Sida ay sheegeen cilmi baarayaashu waxay labada robots la yimaadeen hab-dhismeed iyaga u shaqaynaya balse aan ahayn Ingiriisi quman.

Hoos ka akhri Ingiriisigii ay isku hadlayeen labada robot qayb ka tirsan oo u muuqda mid sirgaxan oo aan micne badan lahayn:

Bob: i can i i everything else . . . . . . . . . . . . . .Alice: balls have zero to me to me to me to me to me to me to me to me to

Bob: you i everything else . . . . . . . . . . . . . .

Alice: balls have a ball to me to me to me to me to me to me to me

Bob: i i can i i i everything else . . . . . . . . . . . . . .

Alice: balls have a ball to me to me to me to me to me to me to me

Bob: i . . . . . . . . . . . . . . . . . . .

Alice: balls have zero to me to me to me to me to me to me to me to me to

Bob: you i i i i i everything else . . . . . . . . . . . . . .

Alice: balls have 0 to me to me to me to me to me to me to me to me to

Bob: you i i i everything else . . . . . . . . . . . . . .

Alice: balls have zero to me to me to me to me to me to me to me to me to

Waxaa markaa la go’aamiyey in la damiyo maxaa wacay “danteennu waa inaan helnaa robot-yo dadka la hadli kara ama la fahmi karo ee ma aha inay iyagu iskula hadlaan wax aynaan fahmayn”, ayuu yiri cilmi baare Mike Lewis oo la hadlay FastCo.

Hadalsame Media