”Cid dadaal la’aan ku dhacdayba, ardaygaasi wuu dadaalay waana dhacay!”

0

(Hadalsame) 11 Sebt 2020 – Waxaa haysa murugo iyo cabsi badan oo uu ka qabay inuu ka gaadhi waayo saacada la galayo Imtixaanka shahaadiga ah, wadada oo xidhnayd awgeed.

Waxaa ka muuqda walbahaar, dhidid iyo bus dhammaan oogadiisa saaran, sababtuna waa habaska kusoo dhacay intuu soo ordayey.

Waxaan marag ka ahaa inaan labbo maalin anigu caawiyey si uu usoo gaadho goobta Imtixaanka lagu qaadayey oo aad uga durugsan gurigooda, ujeedkuna waa jidka aan sii marayo uu maalmahaas isticmaali jiray.

Waxaan si mug leh ula sheekaystay maalintii labaad oo kanshuhu noo saaxamay inaan is xaal waraysanno. Wuxuu ahaa wiil agoona oo mid qarax ku dhintay ka weyn yahay, haddase isagaa reerka u roon, waana mid ka midda labada qof ee hooyadood ubadka la koriya marka laga yimaado walaashii ka yar oo iyaduna gallin waxbarata gallina hooyadeed caawisa, sida isaga oo kale.
Wuxuu ii sheegay in rejadiisu tahay inuu kaalinta koowaad galo si dhaqaalaha ku baxaya jaamacadda u noqoto mid hooyadiis culays ku noqon oo deeq ahaan ku helo. Todoba sanno oo uu agoon ahaa waxaa noloshooda oo dhan la kacaa kufaysa hooyadiis, mana jirin ehel iyo cid toona oo ku garab siisay kaalmayntiisa.

Ardaygaasi haddii uu dadaal xumadiisa u dhaco waa mid isaga u taala, se uma muuqan mid dadaal xun, haddiise uu u dhaco, sabab kale oo dayaca dhanka Bahda Waxbarashada ah waxaan ahaan doonaa kuwa ciqaaban, oo taariikhdu xusi doonto.

Waxaa Qoray: Garaad Y. Xaaji Ismaaciil

Hadalsame Media