DEG DEG: Baxrayn oo ogolaatay inay xiriir rasmi ah la yeelato Israel

0

(Washington, DC) 11 Sebt 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa goor dhowayd ku dhawaaqay in Baxrayn ay iyaduna xiriir toos ah la yeelanayso Israel kaddib Imaaraadka Carabta.

Trump ayaa warkan soo tweet gareeyey haatan isagoo sheegay inuu heshiiskani dhacay kaddib markii uu telefoonka kula hadlay Boqorka Baxrayn, Hamad bin Isa Al Khalifa iyo RW Yuhuudda, Benjamin Netanyahu, sida uu sheegay Aqalka Cadi.

Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Talaadada soo aadan caasimadda Washington DC lagu qaban doono munaasabadda saxiixa heshiiska Imaaraadka-Israel oo ay iman doonaan RW Benjamin Netanyahu iyo Wasiir Dibadeedka UAE, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan.

Bahrain ayaa iyana aqbashay inay heshiiskaa goobjoog ka ahaato waxayna soo diri doontaa WAD.

Maamulka Maraykanka ee Trump hoggaamiyo ayaa u muuqda mid qaab qoor qabad ah dalalka Khaliijka ugu dirqinaya heshiiska Israel, waxaana taa laga dhadhansanayaa sida uu Maraykanku u dhex boodayo iyo Baxrayn oo beri dhowayd uun sheegtay inaysan xiriir la yeelanayn Israel inta laga xalinayo arrinta Falastiin balse kadib u furtay hawadeeda.

 

Hadalsame Media