”Jubbaland annaga ayay deris nala tahay!” – Saxaafadda Kenya oo ku faantay qaar ka mid ah ardaydii ku baastay Imtixaanka muranka dhaliyey

0
Students stand outside Afmadow Primary and Secondary School in Somalia on the 24th of January,2014.EVANS HABIL(AFMADOW)

(Nairobi) 11 Sebt 2020 – DF Somalia ayaa cadaadis badan wajahaysa kaddib markii uu muran xooggani ka dhashay natiijadii imtixaanaadka qaranka oo ay ka muuqdaan tirooyin aan is keenaynin.

Natiijada sanad-dugsiyeedka Fasallada 12-aad (Form 4) ee  2019/2020 oo laga qaaday guud ahaan 33,727 oo arday ayaa muujinaysa in 25,177 oo ka dhigan 75% ardaydii imtixaanka gashay ay ku dheceen 8,550 taasoo ka dhigan in 3-dii ardayba uu mid dhacay Gobolka Banaadir.

Haddaba, saxaafadda Kenya oo sidoo kale qortay in Wasiirka Waxbarashadu DF, Md Goodax Barre, uu sheegay in ardayda Banaadir ay dheceen maadaama ay tubaako cabaan Tik Tok-na ku mashquulsan yihiin, taasoo ah marmarsiinyo aan xirfadi ka muuqan, ayaa sidoo kale ku faanay inay baaseen ardayda gobolka ”deriska la ah Kenya”, sida ka muuqata sheeko uu qoray AGGREY MUTAMBO.

”Jubbaland State, oo ah gobolka xadka la leh Kenya, ayaa soo saaray 5 ka mid ah ardayda ugu wanaagsan qaranka oo dhan, iyadoo ay kaliya ka dheceen 33 arday marka la eego tirada guud oo ah 987.” ayaa lagu qoray The East African.

Hadalsame Media