Sucuudiga oo dib u dhisay guri uu degganaa basaaskii Muslimiinta dhabarka ka jebiyey ee ”Lawrence al Carabi”

0

(Yanbuuc) 10 Sebt 2020 – Sucuudiga Carbeed ayaa dhamaystiray dib u dhiska gurigii uu deganaa basaaskii British-ka ahaa ee Thomas Edward Lawrence, oo ku caan baxay magaca Lawrence of Arabia (Lawrence al Carabi), sida ay sheegtay Wasaaradda Dalxiiska Sucuudigu.

Lawrence ayaa muddo gaaban ku noolaa magaalo xeebeedka Yanbuuc ee kulaasha Badda Cas intii uu qalqaalinayey kacdoonkii uu naqshadeeyey gumaystihii Britain ee Carabta ku dirayey Khilaafadii Cusmaaniyiinta 1916-kii intii uu socdey Dagaalkii 1-aad ee Dunidu.

Wuxuu Yanbuuc ka degannaa guri laba dabaq ahaa oo cidlo ahaa haatan, kaddib markii ay dadku isla dhex mareen sheeko khuraafi ah oo sheegaysa inay ruuxaani ku nooshahay gurigaasi oo haatan la doonayo in loo dalxiiso, waloow ay dad badani u fasireen in gumaysi la muunaynayo.

Lawrance ayaa asaasi u ahaa qabsashadii UK ee Falastiin 1918-kii, oo uu marka dambe siin doono Israel, isagoo ka faa’iidaystey Carabta oo uu ka dhaadhiciyey inuu ka xoreeynayo Khilaafadii Cusmaaniyiinta ee Turkiga, taasoo London ku caawisay inay iyaga ku jihayso Turkiga kaddibna iyagoo dagan qabsato oo kala qaybiso, sidaa darteed, waa nin sabab u ahaa in ay Galbeedku ka adkaadaan Muslimiinta, qabsadaan isla markaana addoonsadaan.

Ingiriiska ayaa Carabta ku howlgeliyey inuu u dhisayo Boqortooyo Carbeed oo ballaaran oo is haysata min Suuriya oo Shaam ah ilaa Yaman iyo woqooyiga Afrika.

Yeelkeede, kaddib dhamaadkii Dagaalkii 1-aad ee Adduunka waxaa Suuriya, Lubnaan, Khaliijka, Ciraaq iyo Falastiin oo ay markaa Urdun ku jirto kala qaybsaday Ingiriiska iyo Faransiiska oo heshiis qarsoodi hoos ka galay intii uu socdey dagaalkii Carabta iyo Turkigu, iyagoo kaddib meelahaa ka sameeyey nidaamyo daba-dhilif ah oo kali talis ah oo ilaa maanta ka jira.

Hadalsame Media