Heshiiska Imaaraadka & Israel oo aan wax wayn looga arkin gudaha Israel + Sababta (Qaybtii 3-aad)

0

(Hadalsame) 08 Sebt 2020 – Sabab kale oo ugu wayn sababta aanay shacbiga Yuhuuddu sidaa ugu riyaaqsanayn ”heshiis nabadeed” oo run ihi waa inay u arkaan inay iyaga sidan ugu badiso. Akhri qaybtii 2-aad…

Waxay ku qanacsan yihiin xaaladda taagan, sida xig-goosiga dhulka Falastiin oo ay awalba xabsiyo dusha ka furan ku kala oodeen, sidoo kale ma doonayaan inay waxna u huraan heshiis dhaca sida inay ka noqdaan dhulalkii ay ku qabsadeen Dagaalkii 1967-kii, ama ogolaanshaha soo noqoshada qaxootiga Falastiin ee xilligaa qaxay.

Dadka Yuhuudda ayaan sidoo kale dabaallo ahayn, waayo waa ka warqabaan in dagaalka runta ihi uu kala dhexeeyo Falastiin, ee aanu kala dhexeeynin Imaaraad, walaa Suudaan, walaa Baxrayn walaa Sucuudi, sidaa darteed, aanay dayuurad u kala gooshta Tel Aviv iyo Abuu Dabeey aysan keenayn ”nabad waarta walaa mid taariikhi ah” oo laga gaaro halka la isku hayo.

Waxaa intaa dheer, in RW Netanyahu aanu ogolayn inuu saxiixo heshiis dhigaya inuu joojiyo xig-goosiga Daanta Galbeed, maadaama ay taasi ka horkeenayso kooxaha midigta fog ee Yuhuudda oo ah saldhiggiisa siyaasadeed.

Sidaa darteed, heshiiskan oo ay Imaaraadku markii hore ku sheegeen mid joojinaya xig-goosiga Yuhuudda oo laftiisa loo malaynayey mid lagu bislaynayey heshiis lala galo Carabta Khaliijka oo si kastaba aysan marna dhab ka ahayn inay u istaagaan qadiyaddan, ayuu markiiba inkiray isagoo sheegay inaysan waxba iska bedeli dooni, waxaa sidoo kale, is bedeley mowqifkii Imaaraadka oo sheegay in aanay joojin doonin xiriirka Israel xitaa haddii ay goosato Daanta Galbeed.

Yeelkeede, halka mid oo hubani waxay tahay in aanu heshiiskani keeni doonin nabad ka islaaxda Bariga Dhexe, isla markaana aanu qiyam siyaasadeed oo buurani ugu siyaadi doonin Imaaraadka haddiiba aysan ku micne beelin, maadaama ay galeen heshiis ay wax kasta hurayaan, balse aanay ka helaynin wax ka badan wixii ay horay u haysteen oo uu haaraan la socdo.

Dhamaad….

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media