Heshiiska Imaaraadka & Israel oo aan wax wayn looga arkin gudaha Israel + Sababta (Qaybtii 2-aad)

0

(Tel Aviv) 04 Sebt 2020 – Marka laga soo tago inuu bilowgii uu nisbi ahaan ay cudurka Covid-19 ula xaaleen si macquul ah ah bilihii Maarso iyo Abriil, waxay Israel hadda celcelis ahaan maalintii diiwaan gelisaa 2,000 oo kiis, taasoo cadaadiska ku badisay RW Nettanyahu. Halkan ka akhri qaybtii hore…

Shaqal la’aanta Israel ayaa haatan mareeysa 21% waana sii kacaysa marka loo eego 5% oo ay ahayd xasaradda karoonaha kahor. Waxaa dheer, in kaalmada dhaqaale ee ay Dowladda Israel dadkeeda siiso ay tahay mid ka mid ah kuwa ugu liita uguna gacanta adag caalamka hormaray.

Sidaa darteed, tan iyo markii lagu dhawaaqay waxa lagu sheegay “heshiis nabadeed” oo u dhexeeya Israel iyo UAE, warbaahinta Israel waxay kaliya ka hadleen hoteellada qaaliga ah ee Dubeey iyo Abuu Dabeey, kuwaasoo aysan gooyn karin in badan oo ka mid ah dadka caadiga ah ee Israel.

Sabab kale oo sahlan oo aanu heshiiskani saamayn wayn ugu yeelanin ra’yul caamka Israel, waa xaqiiqada ah in lala ”heshiinayo dal aanay Israel abidkeed dagaal la gelin, xad la lahayn isla markaana aad uga fog.

Duullimaadka Tel Aviv iyo Abuu Dabeey wuxuu qaadanayaa 3 saacadood iyo 20 daqiiqo ama 4 saacadood ku dhowaad, waxayna la mid tahay adiga oo u kala duula Tel Aviv iyo Roma. Halka in loo kala duulo Tel Aviv ilaa Baqdaad, ay dhanka kale, qaadanayso muddo saacad ah, lana soco in Ciraaq ay hadda kahor gantaallo la dhacdey Israel, welina aanu heshiis jirin.

Sidaa darteed in dadka Israeli-ga ah laga gado xiise ku saabsan “nabad” lala galay Imaaraadku ma yaraynayso halista istaraatijiga ah ee ay arkayaan dadka Israel. Si kastaba Imaaraadku marna uma aha mana dhama wax ay Israel u arki kartey halis istaraatiji ah.

Netanyahu iyo Falastiiniyiinta

Mid kale. Tani waxay gaar u khusaynaysaa Netanyahu.

Waa dhab in uu haatan kursiga ku dangiigo in ka badan 11 sanadood oo xiriir ah, balse siyaasad ahaan wuxuu ku fadhiyaa kursi booc ka samaysan oo baxar joogto ah ku jira.

Wuxuu ku fashilmay inuu cod aqlabi ah ka helo shacbiga Yuhuudda dhamaanba 3-dii doorasho guud ee ugu dambeeyey, isagoo halis joogta kala kulma axsaabta mucaaradka ah ee buluugga iyo caddaanka.

Waxaa sidoo kale loo arkaa oo uu shacabka ugu calaamaysan yahay inuu yahay ninka mas’uulka ka ah sida liidata ee ay Israel ula xaashay xasaradda karoonaha.

Bisha Jannaayo 2021-ka wuxuu ka ballansan yahay maxkamad qaadaysa eedihiisa ku aaddan musuqa faraha ka baxay iyo dhabar ka taabad kala dhexeeya hantiilayaal dhowr ah, iyadoo 10-kii todobaad ee ugu dambeeyey ay jireen dibedbaxyo ka dhacay min Tel Aviv ilaa Quddus oo lagaga dalbanayo inuu xilka ka dego.

Waloow uu ra’yiga dadwaynuhu muujinayo in aysan nebcayn siyaasadda midigta ah ee uu ku socdo xisbigiisa Likud iyo kuwo kale oo kasii dhega adag oo midigta fog ah, maadaama ay Yuhuudda halkaa deggani ay muxaafid u badan tahay, misna dadku kuma iimaan sama isaga, iyadoo ay in badan oo ka tirsan shacabku sheegeen in uu Nettanyahu xilka ugu dheggan yahay inuu kaliya socod yareeyo geeddi socodka garsoorka dalkaasi oo uu ugu eedeeysan yahay musuq qaan gaarey.

La soco qayb kale….

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media