”Waa noo dagaal” – Itoobiya oo laga cabsi qabo inay u googo’do sidii Yoguslavia (Akhri sababta)

0

(Addis Ababa) 06 Sebt 2020 – Guddiga fulinta deegaanka ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa sheegay go’aan kasta oo golaha Federeeshiinka ka soo baxa oo lagu joojinayo doorasha ka dhacda deegaankaasi, ay ula mid tahay dagaal la iclaamiyey oo lagu soo qaadayo deegaanka Tigreega.

War-murtiyeed qoraal ah oo ay soo saareen guddifa fulinta deegaankaasi waxay ku sheegeen shirka degdegga ah uu maanta yeelanayo aqalka sare (golaha federeeshiinka) go’aan kasta oo ku saabsan ishortaagga doorashada deegaanka Tigreega uu sida gaarka ah u qabsanayo ay marnaba aqbaleyn.

Xubnaha ka tirsan aqalka sare oo ka soo jeeda deegaanka Tigreegana waxay sheegeen shir kasta oo uu golaha qabto mid caadi iyo mid degdeg ahba in qodobbada shirka looga hadlayo xubnaha golaha la soo gaarsiin jiray, balse shirkan maanta uu yahay mid aan la garaneyn waxa looga hadlayo sidaa darteed ay dooneyn iney shirkaasi ka qayb galaan.

Guddiga fulinta waxay warmurtiyeedkooda ay ku sheegeen go’aan kasta oo ka sooo baxa golaha Federeeshinka wixi dhib oo ka yimaadda mas’uuliyaddeeda inuu qaadayo golaha Federeeshiinka.

“Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd, halka la rabay in lagu dhiirrageliyo in la carqaladeeyo doorashadooda waa mid lid ku ah geeddi socodka dimuqraadiyadda” ayaa war-murtiyeedka lagu yiri.

Astaanta Deegaanka Tigreega ee dalka Itoobiya

Doorashada Lixaad ee ka qabsoomeyso deegaanka Tigreega oo ku dhaceyso xilligi sharciga uu u jideeyey natiijada ka soo baxda doorashadaasina waxaa la sheegay in lagu soo dhisi doono xukumaddii deegaanka Tigreega maamuli lahayd shanta sana ee soo socota.

Golaha Federeeshiinka doorashadan degaanka Tigreega uu si ka duwan deegaannada kale uu u qabsanayo wuxuu ku tilmaamay mid sharci darra ah, golaha oo sida oo kale maamulka deegaankaasi u diray fariin digniin ah.

Hase yeeshee, maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanaya Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba.

Doorahsda guud ee dalkaasi Itoobiya ka dhici lahayd bishan September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen 9 bilood ilaa sanad in doorashada dib loo dhigo.

Doorashada deegaanka Tigreega ka dhaceyso oo la sheegay iney Dastuurka ka horimaneyso

Doorashada Dowlad Deegaanka Tigreega oo ku dhawaaqay inuu si gooni ah u qabsanayo iney qabsoonto waxaa ka harsan maalmo oo keli ah iyada oo golaha Federeeshiinka ee dalkaasi Itoobiyana shir degdeg ah oo loo badinayo inuu arrintan kaga arrinsado uu maanta oo Sabti ah yeelanayo.

Falcelinta dowladda dhexe ee ka dhalatay doorashada deegaanka Tigreega

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay iney dowladdu qaadeyso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyada dastuurka dalka ka horimanaya.

Dr Abiy Axmed
Rai’sal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

Ra’isal waraare Dr Abiy Axmed oo ka hadlay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreeda oo ay ku sheegeen iney doorasha gaar ah deegaan ahaan u qabsanayaan oo ay sugeynin doorashada guud ee dib loo dhigay wuxuuna yiri:

“Si ka baxsan dastuurka dalka Itoobiya u yaallo dhaqdhaqaaq kasta oo ka hormarinayo ay tahay khalad aad u weyn ayna xadgudub ku tahay shuruucda dalka iyo kan caalamka intaba.”

“Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 50-aad ee faahfaahinayo awoodda iyo waajibaadka dowladda federaalka inaan dastuurka difaacno waxkasta oo ka horimanayana aan ka hortagno diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri.

“Si ka baxsan dastuurka dalka inuu deegaan si gaar ah doorasha iskii u qabsado maadaamaa ay ammaanka dalka iyo dadka ay waxyeello aad u weyn u geysaneyso dowladdu waxay ku qasban tahay iney qaaddo tallaabba kasta oo iskudayga noocasi looga hortagayo.”

“Xisbi kasta oo siyaasadeed oo doonaya inuu xukunka siyaasadeed uu qabto waa inuunan marin waddo dalka iyo dadka dhibaata u horseedeyso.”

“Cid kasta oo doorasha aan sharciga waafaqsaneen iney qabato dooneyso, isla-markaana damacsan iney awoodda deegaan xoog ku qabsato dowladda federaalka wixii hadda ka dambeeyo uma dul qaadaneyso, tallaabba kasta inaan qaadanana diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Ra'isal Wasaare Dr Abiy Axmed iyo Guddoomiyaha TPLF Dr Gebresiyon Gebre-Mikael

Guddiga doorashooyinka siduu uga falceliyey?

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa oo warbaahinta dalkaasi la hadashay ayaa sheegtay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreega inuu la yaab ku noqday uuna yahay mid sharci darra ah.

“Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 102-aad arrimaha doorashada waxaa awood u leh guddiga doorashooyinka qaranka” ayey tiri.

“Doorashada heerarkeeda kala duwan waxaa qabanaya oo wakhtiga la qabanayana go’aan ka gaari karo oo keli guddiga doorashooyinka qarnaka ee dalka Itoobiya.”

“Deegaan wuxuu doorasha si gaar ah uu u qabsan karaan marka uu codsigiisa uu soo gaarsiiyo guddiga doorashooyinka, guddiguna uu oggolaado codsiga deegaanka oo keli ah balse, ay jirin ilaa iyo hadda deegaan codsi doorasha inuu qabsado soo gaarsiisay guddiga doorashooyinka, xilli dalka Itoobiya uu ku jiro xaalad degdeg ah oo uu la tacaalayo cudurka safmarka ee Covid-19 iney deegaan xubin ka ah dowladda Federaalka ay yirahdaan doorashaan qabsaneynaa waa nasiib darro” ayey tiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa.

Birtukaan Mideqsa
Guddoomiyaha Guddiga doorashada qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa

Tani iyo marka uu isbeddel ka dhacay dalka Itoobiya uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodaya iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya ay nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey ay god ku sii rideyso.

Xigasho: BBC Somali

Hadalsame Media