”Dagaal aan la galno Giriigga waqti unbaa naga xiga!” – Turkiga oo dhanka kale ka hadlay taangiyo la sheegay in xadka loo daabulay

0

(Ankara) 06 Sebt 2020 – Waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu Turkigu tawaangi u daabulay xadka uu Giriigga la leeyahay, balse waxay noqdeen warar sal iyo raad aan lahayn, sida ay sheegtay Anadolu Agency (AA).

Sida ay werinayso AA, waa dhab in tawaangida abraarro lagu daabulay, balse ma aha kuwo u socdey xadka Giriigga ee waxaa la geeyey gobolka bariga ku yaalla ee Malatya waana qorshe sii degsanaa.

Dhanka kale Madaxa Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka, Devlet Bahçeli, ayaa ku dhawaaqay in dagaal Giriigga lala galo “uu waqti uun ka harsan yahay”, sida uu weriyey The New Khaleej Jimcihii.

“Dhabarka uma jeedin karno daneheenna taariikhiga ah ee Badda Dhexe iyo Aegean,” ayuu yiri Bahçeli.

“Waxay u muuqataa in damacigii Giriigga ee ahaa in badda lagu daadiyo oo dhacday 98 sanadood kahor inuu markale bararay.,” ayuu daba dhigay isagoo sheegay in dagaal ka dhaca Badaha Dhexe iyo Aegean uu “waqti uun ka xigo”.

Hadalsame Media