”Ciidanka Somalia hallaga saaro Somalia!!” – Siyaasi Soomaaliyeed ayaa la madal yimid

0

(Hadalsame) 03 Sebt 2020 – Qormadaan gaaban waxaa ciwaankeedu xambaarsan yahay heerka maanta Soomaaliya mareyso waxaana looga danleeyahay baraarug la’aanta shacabka Soomaaliyeed ee Cadaawuhu iyo cadaw kalkaalku la dagay 30 sanno.

Sheekada ciwaanku ma ahan wax qiyaali ah ee waa wax dhab ah oo dalkeena Soomaaliya ka taagan saacadaan.

Dhowaan ciidamo ka tirsan kuwa Qaranka kuwaas dowladda dhexe geysay Magaalada Dhuusa-Mareeb ee bartamaha dalka ayaa si qasab ah looga saarey kadib markii ay sidaas codsadeen labo Siyaasi oo ka mid ah kuwa maamullada Soomaaliya ee Federaal ku sheega ah.

Haba ahaatee, waxaa hadda soo baxaya in hoggaamiyaha maamulka lagu muran-sanyahay ee Jubbaland Axmed Madoobe uu shardi ka dhigay in ciidamada Soomaaliya laga saaro Gobol dhan oo Soomaaliya ku yaala (Gedo)

Taasoo jirta, Axmed Madoobe oo 9 sanno qaab kalitalisnimo ku jooga Kismaayo waxaa illaaliya Ciidamada Kiinyaan ah haddana sida muuqata waxa uu doonayaan in kuwa Soomaaliya lagu bedelo.

Marka la eego sharciyadda damacaasi waa ‘Qiyaano Qaran’ maadama dowladda dhexe masuul ka tahay guud ahaan difaaca dalka oo iyada kaliya ay leedahay amarka goobaha la geynayo Ciidamada difaaca Soomaaliyeed.

Waxaa horey dad badan shaki kaga qabeen qaar ka mid maamullada ay dhisteen dowladda deriska.

Arrintan waxaa sidoo kale eed ku leh DF Somalia waayo marna lama imanin rabitaan adag oo ku wajahan inay qabsadaan ama qaataan waajibaadkooda.

DF waxay xaq u leedahay inay joogto gobol kasta oo ka tirsan Somalia, inay canshuur ka qaaddo, inay joogto xuduudaha dalka, garoomada, dekedadaha kastammada iwm.

Balse taa biddaalkeeda, waxay iska gashaa arrimo yar yar iyo awood kala cayrsi, kursi ku diririd iwm, kaddibna marka uu waqtigu gabaabsi yahay ayaa waxaa tamar iyo maskax badan lagu bixiyaa sidii muddo loo kororsan lahaa ama loosoo noqon lahaa.

Waxaa Qoray: Maxamed Odawaa & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media