Sucuudiga oo afka ka diiddan addinkana ka fulinaya xiriirka Israel (Tillaabo taa muujinaysa)

0

(Riyaad) 03 Sebt 2020 – Wasiir Dibadeedka Sucuudiga Carbeed, Amiir Faisal Bin Farhan ayaa ku celceliyey in go’aanka uu Sucuudigu ku ogolaaday inay dayuuradaha Israel hawadiisa adeegsato aanay ka dhignayn inuu is bedeley moowqifka ay muddada dheer ka taagnaayeen qadiyadda Falastiin.

“Boqortooyadu waxay ku dheggan tahay moowqifka ah in xal waara la gaaro iyada oo la raacayo Hindisaha Nabadda ee Carabta,” ayuu soo tweet gareeyey Amiir Farxaan.

Hay’adda Duulista Hawada Sucuudiga (GACA) ayaa horay u sheegtay in dhiggeeda Imaaraadku (GCAA) ay ka codsatay in hawada Sucuudiga loo fasaxo dayuurad kasta oo u socota Imaaraadka,, taasoo loogu gambanayo Israel.

Sucuudiga ayaa deeto si rasmi ah u aqbalay codsigaasi, iyadoo ay aad u dhib badnaan lahayd inay dayuuradaha Israel ay Imaaraadka tagaan haddii laga xiro hawada ballaaran ee Sucuudiga.

Sucuudiga ayaa sidaa ku qiranaya inuu Israel la wado xiriir uu inkirayo af ahaan, balse uu muujinayo ficil ahaan, iyadoo ay dad badani qabaan inuu ama xiriir rasmi ah la yeesho Yuhuudda sida Imaaraadka ama uu iskaba daayo gebi ahaanba.

Yeelkeede, Maraykanka oo ah dalka meesha ku haya madaxda Khaliijka, sida uu sheegay Donald Trump, ayaa wuxuu ku cadaadinayaa inay sida ay rabto u yeelaan Israel.

Hadalsame Media

Facebook Comments