AC Milan oo la heshiisey Brahim Diaz isla markaana qaabaysay dalabka Chiesa & MW Viola oo ka hadlay

0

(Firenze) 01 Sebt 2020 – AC Milan ayaa la sheegay inay qaabaysay dalabkii ay u diri lahayd kooxda Fiorentina oo ay ka doonayso Federico Chiesa: kaasoo ah Lucas Paquetà + 20 milyan + 10 milyan oo euro oo bareemiy ah.

Sida uu sheegay weriye Claudio Raimondi oo ka howlgala SportMediaset oo u warramay Italia Uno, wuxuu sheegay in kaddib markii ay AC Milan dhamaysay heshiiska laacibka Real Madrid ee Brahim Diaz oo berri ama saadambe Milano kasoo degaya ay diiradda saartay wiilkan.

Yeelkeede, MW Fiorentina ee Rocco Commisso ayaa mar arrintan wax laga waydiiyey ku adkaystay in aanu weli jirin ‘dalab rasmi ah’ oo u yimi Federico Chiesa, balse ay tahay inuu laacibku u sheego ‘waxa uu doonayo.’

Laacibka ayaa mar sidoo kale lala xiriirinayey kooxo ay ku jiraan Inter, Juventus iyo Manchester United balse waxay u muuqdaan kuwo diiradda saaraya meelo kale, waxaase la sheegayaa inuu aad u doonayo macallinkiisii hore oo haatan Milan ku sugan.

“Ilaa maantadan, wax dalab ah oo aannu helnay ma jiro,” ayuu Commisso u sheegay Rtv38.

Hadalsame Media