Man City oo ka cabsatay inay lacag badan kusoo qaadato Leo Messi & Guardiola oo talo siiyey (Inter oo ka hadashay)

0

(Manchester) 01 Sebt 2020 – Sida ku dhigan Mundo Deportivo, kooxda Manchester City ayaa doonaysa jookarka caalamka ee Leo Messi, balse waxay dib ugu noqdeen buuggooda xisaabta.

Kooxda Manchester City ayaa la sheegayaa inaysan ku deg degi doonin iibsiga laacibka reer Argentine haddii aanu ugu yaraan xal la gaarin kooxda Barcelona.

Blaugrana ayaa Messi ku xujeeysey inuu bixiyo lacag dhan 700 milyan oo euro oo qandaraaskiisa lagu fasiqi karo, haddii uu doonayo in la fasoxo.

Sidaa darteed, kooxda Man City oo hadda uun fara cija leh uga soo fakatay Financial Fair Play isla markaana weli hoos taalla waynaysada UEFA, ayaan doonayn inay baxar kale is geliso, iyadoo aan diyaar u ahayn inay qoorta gashato lacagta faraha badan ee lagu fasaqayo heshiiskiisa, marka laga soo tago mushaarka fircooniga ah ee uu Messi dalbanyo oo nus-bilyan ku dhowaanaya muddo 5 sano ah.

Mundo Deportivo ayaa intaa raacinaya in Pep Guardiola laftiisu uu Messi kula taliyey inuu sii joogo Blaugrana oo uu waayihiisa halkaa iyo Barcelona ku dhamaysto.

Dhanka kale, Inter Milan oo ka mid ahayd kooxaha lala xiriirinayey Leo Messi ayaa sheegtay inayba ka caga jiiddey iibsiga Sandro Tonali oo 35 milyan ku kacay isla markaana ku biiraya AC Milan, iskaba daa inay Messi oo ay mid aan la heli karin ku sheegeen qaataane.

Hadalsame Media